Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen-2.jpeg?fit=2048%2C1410&ssl=1

Baydhaba (Caasimada Online) -Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta oo Isniin ah soo magacaabay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulkaas, xilli uu taagan yahay khilaaf culus oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyada oo la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana uu guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ujeedada dhismahan guddigan ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada Koonfur Galbeed iyo midda madaxweynaha, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen uu hadda u bareeray in doorasho iskiis ah uu ku qabsado magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho gaar ah ugu qabsaday Kismaayo.

Dowladda Federaalka ayaa shalay ku dhawaaqday in uusan sharciyad haysan Lafta-gareen, iyadoo fartay dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed inay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin inta laga helo madaxweyne sharci ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo iyadu soo saartay qoraalka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyadda maamul iyo kuwa bulshada.

“Madaxda sare ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waxay ku jiraan muddo dhaaf xileed, oo u baahan xal waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada, sidaas darteed wasaaradda oo la tashanaysa odayaasha dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah ugu xilsaaran ilaalinta maamulka dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen gudaha maamulkaasi.

FB_IMG_1774241958725.webp?resize=696%2C8

The post Cabdicasiis Lafta-gareen oo magacaabay guddiga doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this