Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyey maxaabiis

Recommended Posts

Deeq A.   
1000146886-1440x960.jpg

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland.

Maxaabiistan ayaa ku kala xiran magaalooyinka Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo, sida lagu sheegay qoraal ka baxay madaxtooyada Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda Ciiddul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xiran xabsiyada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Maxaabiistan ayaa ku kala xiran xabsiyada magaalooyinka Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo” ayaa la raaciyay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this