Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo ku eedeeyay Laftagareen abuurida colaad sokeeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen in uu colaad sokeeye ka abuurayo magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe oo maanta hadal ka jeediyay masjidka Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay isku horfadhiyaan labo ciidan, taasina sababtay in dad badan oo dan yar ah ka qaxaan magaalada.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Laftagareen ku eedeeyay in uu doonayo doorasho boob ah iyo in uu keligiis soo xusho xildhibaannada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in taasi tahay mid aan la aqbali karin.

Aadan Madoobe ayaa go’aankii shalay looga celiyay Baydhabo ku sifeeyey sharci darro iyo kutumashada dastuurka dalka, wuxuuna qorshaha safarkaas ku tilmaamay mid uu ku doonayay in uu ku dhexgalo dhinacyada isku haya Baydhabo.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this