Sign in to follow this  
Dhubad.

3 Qarax oo kadhacy magaalada Mogadishu

Recommended Posts

Dhubad.   

Qaraxyadii ugu badnaa oo caawa fiidkii ka dhacay agagaarka xarunta CID-da

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 09/01/07

 

Waxaa caawa abaarihii 7:00 fiidnimo magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xarunta CID-da ee isgoyska KM4 ka dhacay saddex qarax oo aad u waaweyn, kuwaasoo gilgilay dhammaanba agagaarka goobtii uu ka dhacay, waxaana ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa meel aan sidaasi uga dheereyn la geliyay heegankii ugu sareeyay.

 

Daqiiqado kadib markii uu qaraxaasi dhacay waxaa halkaasi soo gaaray cutubyo ka tirsan Dowladda Federaalka, iyagoo xiray dhammaanba waddooyinka ku dhow goobta qaraxa, ayaan hadana la sheegin wax qasaare ah oo uu geystay, inkastoo dad ka dhowaa barta qaraxa uu ka dhacay ay ii sheegeen in qadar daqiiqado ah ay rasaas is dhaafsadeen ciidamada dowladda iyo kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in saddexda qarax ay u dhaceen si is daba joog ah oo isku xig xiga, lamana oga sababta ka dambeysay arrintaasi, inkastoo tallaabadani ay ku soo aaday xilli uu magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo maanta digniin u jeediyay in tallaabo laga qaadayo kooxaha sameeya qaraxyada.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo qaraxyo ka dhacaan magaalada Muqdisho tan iyo markii ay la wareegtay talada inta badan Dowladda Federaalka oo ay wehlinayaan ciidamada Itoobiya, hase yeeshee inta badan qaraxyadan ayaa ka dhaca K/Muqdisho, oo beelaha halkaasi ku nool si weyn uga horjeedaan imaatinka Dowladda Federaalka ee awooda ku yeelaneysa Muqdisho iyo ciidamada Itoobiya oo barbar socda, halka magaalada dhinaceeda Waqooyi ay si weyn u dhoweeyeen dowladda Federaalka isla markaana shucuurtooda ku muujiyay farxad iyo niyadsami ku wajahan in dowladdu ka howlgasho Muqdisho iyadoo aan hoos tegin beel, hoggaamiye kooxeed iyo juffooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Next thing you will hear will be Yey was evacuated to Baydho for security reasons.

 

Qaata Qata Qalabka Dhulkiina Qaata, Amxaaro Ka Xoreeye Wadanka...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this