Deeq A. Posted yesterday at 10:21 AM Maamulka Somaliland ayaa cambaareeyey weerarada ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka ee Imaaraadka, Sacuudiga, Qadar, Baxreyn, Kuwayd iyo Jordan. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo la soo dhigay barteeda X (hore loo oran jiray Twitter) ayaa lagu yiri “Xukuumadda Somaliland, waxa ay si adag u cambaaraynaysaa duqaymaha ay dawladda Iiraan ku bartilmaameedsatay Imaaraadka Carabta, Dawladda Qadar, Dawladda Kuwayd, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudiga iyo Boqortooyada Haashim ee Jordan”. “Somaliland waxay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo diidaysa gardaradan khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayaa raaciyay bayaanka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites