Sign in to follow this  
Deeq A.

Afrika oo ka digeysa khataraha ganacsi iyo amni ee ka imaan kara weerarka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Afrika oo ka digeysa khataraha ganacsi iyo amni ee ka imaan kara weerarka Iiraan

Dowladaha Afrika ayaa walaac ka muujiyay colaadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe, iyagoo ka digaya khataraha amniga iyo midda dhaqaale ee iman kara, kuwaas oo carqaladeyn doona ganacsiga.

Kenya ayaa sheegtay in weerarradu ay si toos ah u saameyn karaan alaabaha ay dhoofiyso Bariga dhexe oo uu ugu horreeyaan shaaha, qaxwada, ubaxa, hilibka, iyo khudaarta, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan suuqyada Bariga Dhexe. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dowladdu ay la tashanayso daneeyayaasha oo ay sahaminayso waddooyin iyo suuqyo kale.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Tansaaniya ayaa sidoo kale, sheegtay inay si dhow ula socoto horumarka, iyadoo rajeeneysa in ay sii wadi doonto xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay waddama la leedahay, isla markaana waxa ay muwaadiniinta Tansaaniya u dhashay ee ku sugan meelaha ay dhibaatadu saameysey fartay in ay feejignaadaan. Labada dowladoodba waxay ku baaqeen isxakameyn iyo xal nabadeed la raadiyo

Khalkhalka ka jira Bariga Dhexe waxa uu saameyn karaa socodka maraakiibta iyo ganacsiga, taasoo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha labada waddan.

Dhanka kale, Masar ayaa ku tilmaantay kororka dagaalka mid khatar ah waxayna ku boorrisay in la dhawro diblomaasiyadda.

Goor hore oo maanta ah, Midowga Afrika waxa uu muujiyay walaaca uu ka qabo khilaafka, isagoo ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay dejiyaan xiisadda oo ay u hoggaansamaan Axdiga Qaramada Midoobay. Midowga Afrika waxa uu ka digay in sii socoshada colaadda ay yeelan karto saameyn xun oo ku timaadda dhaqaalaha Afrika, gaar ahaan dhanka tamarta iyo amniga cuntada

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this