Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex musharax oo la kulmaya madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
1000139987-1440x960.jpg

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cosoble iyo Khaliif Cabdiqaadir Macallin Nuur ayaa maanta kulan gaar ah Villa Somalia kula qaadanaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saddex musharax oo ay isku hayb yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in ay kala hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wadahadaladii fashilmay ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Federaalka iyo Golaha.

Waxay doonayaan in ay si ehelnimo ah ugala hadlaan madaxweynaha sidii loo gaari lahaa heshiis loo dhan yahay oo dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiqaadir Cali Cosoble waxay ka tirsan yihiin Golaha Mustaqbalka, halka Khaliif Cabdiqaadir Macallin Nuur uu ka mid yahay musharaxiinta mucaaradka ah, hase ahaatee aan ku jirin Golaha.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this