Deeq A. Posted 7 hours ago Warbaahinta Al Jazeera ayaa tabisay, iyadoo xiganaysa saraakiil Iiraan ah, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay sheegtay in Bariga Dhexe uu isu beddelay “furin dagaal oo furan,” isla markaana meel kasta oo laga soo weeraro ay ka gaari doonaan jawaabteeda. Digniino iyo Gantaalo la qabtayWararka ayaa sheegaya in saldhigyo ku yaalla dalal Carbeed laga abaabulay weerarro socda. Dalalka ay xaaladdu sida gaarka ah u taabatay waxaa ka mid ah:Urdun – oo ku dhawaaqday heer digniin sare ah, iyadoo la sheegay in gantaalo lagu qabtay hawadeeda.Baxreyn – oo iyaduna yeertay siiriga digniinta, islamarkaana la sheegay in gantaalo lala beegsaday saldhigyo uu Mareykanku ku leeyahay.Qatar – ayaa dhankeeda sheegtay in xaaladdu ay nabad tahay balse ay Gantaalo hawada ka qabatay. “Operation Epic Fury”Mareykanka ayaa howlgalka militari ee socda u bixiyay magaca “Operation Epic Fury”, taas oo muujinaysa baaxadda iyo culayska howlgalka. Israa’iil oo wajahaysa cadaadisDhanka kale, Israa’iil ayaa la sheegay inay wajahayso maalmo adag, kaddib markii ay iyadu bilowday duulaanka. Wararka ayaa tilmaamaya in dadweynaha si ballaaran loogu amray inay galaan goobaha dhulka hoostiisa ah si ay uga badbaadaan weerarro suurtagal ah. Xiisaddan sii kordheysa ayaa abuurtay walaac caalami ah, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku ku fido dalal badan oo Bariga Dhexe ah. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites