Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo shaacisay in ay sanad gudihiis ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Museveni.jpeg?fit=2048%2C1526&ssl=1

Kampala (Caasimada Online) — Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa qaatay go’aan masiiri ah oo ay dhammaan ciidamadooda Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) kaga saarayaan Soomaaliya muddo sanad gudihiis ah, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin caqabadaha soo noqnoqday, oo uu ugu weyn yahay gabaabsiga dhanka dhaqaalaha ee haysta hawlgalka.

Sida uu baahiyay wargeyska The Kampala Post oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah oo dhanka milateriga ah, go’aankan adag ayaa lagu gaaray shir xasaasi ah oo Taliska Sare ee UPDF ay 24-kii bishii Febraayo ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Entebbe.

Tallaabadan ayaa astaan u ah isbeddel weyn iyo weji cusub oo ku yimid taariikhda ku dhawaad labaatanka sano ah ee Kampala ay ku lug lahayd dadaallada nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya.

Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa shakhsiyan guddoominayay shirkan taliska sare, kaas oo ah awoodda ugu sarreysa ee dejisa istaraatiijiyadda iyo mudnaanta ciidanka qaranka. Madasha waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca, Janaraal Muhoozi Kainerugaba, iyo saraakiil kale oo sar-sare oo katirsan milateriga Uganda.

Go’aankan ayaa ka dhashay walaac xooggan oo gudaha Uganda uga soo kordhayay kharashka baaxadda leh iyo culeyska joogtada ah ee ka dhashay joogteynta ciidamo shisheeye oo hawlgal muddo dheer qaatay ku jira, gaar ahaan xilli ay jirto dhaqaale xumo baahsan oo ragaadisay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee cagta saara ciidda Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkii 2007, xilligaas oo ay qayb ka ahaayeen Hawlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM.

Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisu ahaa xasilinta waddanka iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Kaalinta Uganda ayaa ahayd mid wax ku ool ah, iyadoo gacan weyn ka geysatay in kooxda Al-Shabaab laga saaro magaalooyin waaweyn oo istaraatiiji ah, oo ay caasimadda Muqdisho ugu horreyso. Guulahaas ayaa bud-dhig u noqday hawlgaladii xigay ee ATMIS iyo kan haatan socda ee loo yaqaan AUSSOM.

Sanadihii xigay, ciidamada UPDF waxay garab socdeen dhiggooda ka socda dalalka Burundi, Jabuuti, Kenya, iyo Itoobiya. Iskaashigaas wuxuu suurto-geliyay sugidda amniga xarumaha magaalooyinka, ilaalinta hay’adaha federaalka, fududeynta geeddi-socodka siyaasadda, iyo abuurista jawi u sahlaya gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo. Sidoo kale, waxay door muhiim ah ka qaateen tababarida iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amniga ee Soomaaliya ayaa weli ah mid jilicsan, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay wali awood u leedahay inay weeraro dhimasho iyo khasaare sababa ka fuliso gobollo kala duwan.

Horey madaxda qaaradda Afrika waxay ugu baaqeen in la cusboonaysiiyo taageerada caalamiga ah ee hawlgalka nabad-ilaalinta, xilli khilaafaad siyaasadeed iyo dhaqaale xumo ay si weyn u wiiqayaan dadaallada xasilinta ee muddada fog.

Haddii ciidamada Uganda ay si buuxda uga baxaan Soomaaliya, waxay taasi si weyn dib u qaabayn doontaa doorka nabad-ilaaliyayaasha Afrika ee gobolka Geeska Afrika, waxayna mas’uuliyad culus dusha u saari doontaa ciidamada dowladda Soomaaliya si ay si buuxda ammaankooda u hantaan.

Dhanka Uganda, go’aankani waxa uu ka turjumayaa dhaxal isugu jira guulo, khasaare iyo kharash aad u culus oo kasoo gaaray mid ka mid ah hawlgaladii milateri ee dibadda ee ugu muddada dheeraa qaaradda Afrika.

The post Uganda oo shaacisay in ay sanad gudihiis ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this