Sign in to follow this  
Deeq A.

Geelle oo shaaciyay arrin xasaasi ah oo Mareykanka uusan kala tashan DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Ismaaciil-Cumar-Geelle.jpg?fit=2048%2C13

Jabuuti (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u dhaliilay duqeymaha dhinaca cirka ah ee dowladda Mareykanka ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, isagoo ka digay in hawlgalada milateri ee la qaado iyadoo aan lagala tashan dalalka gobolka ay waxyeello u geystaan dadka rayidka ah, isla markaana ay wiiqayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Dhaliishan oo ah mid dhif iyo naadir ah oo uu madaxweynuhu fagaare uga jeediyo xulafadiisa milateri ee ugu weyn, ayuu si gaar ah bartilmaameed uga dhigtay ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee Washington ee adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay joornaalka caanka ah ee qaaradda Afrika ka faallooda ee Jeune Afrique, kaas oo la filayo in la daabaco bisha Maarso, ayuu hoggaamiyaha ruug-caddaaga ah ku eedeeyay Mareykanka inuu ku tiirsan yahay xog sirdoon oo khaldan iyo go’aanno laga soo minguuriyay meel ka baxsan gobolka.

Wuxuu xusay in ciidamada Mareykanku ay isticmaalaan xog-bixiyeyaal la siiyo lacag kuwaas oo sheega kaliya waxa ay doonayaan inay maqlaan, beddelkii ay la tashan lahaayeen dowladaha gobolka ee xog-ogaalka u ah xaaladda dhabta ah ee dhulka.

Sida ku cad qaybo ka mid ah wareysigaas, Madaxweyne Geelle ayaa yiri, Mareykanku ma fahamsana in fulinta duqeymo iyadoo aan lala tashan ama aan lagu wargelin dowladda Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ee ay khuseyso, sida Jabuuti, ay tahay mid aan faa’iido lahayn.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac qoto dheer oo ku aaddan khasaaraha nafeed ee ka dhashay ololehan dhinaca cirka ah ee uu Mareykanku dardargeliyay. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu joornaalka u sheegay in gantaallo la rido iyadoo indhaha la isku qabanayo oo aan loo meel dayayn khasaaraha dhinaca rayidka ah ee ka dhalan kara, aysan marnaba xal ahayn.

Hadalladan kasoo yeeray madaxweynaha ayaa Jabuuti ka dhigaya mid ka hor-imanaysa farriimaha rasmiga ah ee Washington. Taliska Milateriga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa inta badan sheega in hawlgaladooda ay ku fuliyaan wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan Dowladda Federaalka

Dhanka kale, dowladda Muqdisho ayaa hawlgaladan inta badan ku tilmaanta kuwo iskaashi ah, iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan 2026, mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in duqeymo wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanku lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, laguna bur-buriyay shixnado hub ah.

Dhaliishan kasoo yeertay Geelle ayaa ah mid xasaasiyad siyaasadeed leh marka la eego doorka laba-geesoodka ah ee Jabuuti ay ku leedahay amniga gobolka iyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay reer Galbeedka.

Dalkan dhaca afaafka hore ee Badda Cas ayaa martigeliya xerada Camp Lemonnier, taas oo Ciidamada Badda Mareykanku ay ku tilmaamaan saldhigga kaliya ee rasmiga ah ee Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika, ahna xudun muhiim u ah taageeridda hawlgalada gobolka oo dhan.

Sidoo kale, Jabuuti ayaa si weyn uga dhex muuqata hawlgalada nabad-ilaalinta gobolka, iyadoo ciidamo ku darsata Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo si rasmi ah u beddelay hawlgalkii ATMIS kowdii bishii Janaayo.

Inkastoo Geelle uu ku doodayo in ciidamada gobolku ay ka xog-ogaalsan yihiin Mareykanka dhanka dhulka, falanqeeyayaasha milateriga ayaa farta ku fiiqaya is-khilaaf ka muuqda hab-dhaqanka Jabuuti. Milateriga Jabuuti ayaa tan iyo sanadkii 2022 adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 oo lagu farsameeyo dalka Turkiga.

In kasta oo Jabuuti ay nidaamkan u adeegsatay gudaha dalkeeda, taas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee kasoo jeeda qowmiyadda Canfarta (Afar) intii lagu jiray hawlgalo gudaha ah oo ka dhacay waqooyiga dalkaas, haddana way ka gaabsatay inay diyaaradahaas u adeegsato duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhaca xadka dalka deriska ah ee Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, taliska AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya midna kama soo saarin jawaab degdeg ah oo ku aaddan hadalladan uu wareysiga ku bixiyay Madaxweyne Geelle.

The post Geelle oo shaaciyay arrin xasaasi ah oo Mareykanka uusan kala tashan DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this