Sign in to follow this  
Deeq A.

TRUMP oo Maxamed Bin Zayed u kashifay qorshe ka dhan ah oo uu rabo Bin Salman

Recommended Posts

Deeq A.   
Mohamed-bin-Salman-Mohammed-bin-Zayed-sc

Washington (Caasimada Online) — Wargeyska The New York Times ayaa daabacay warbixin xasaasi ah oo sheegaysa in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Saayid, u sheegay in Sacuudigu uu soo jeediyay in cunaqabateyn lagu soo rogo Abu Dhabi, sababo la xiriira taageerada ay siiso Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF).

Sida warbixintu xustay, Trump ayaa fariintan ugu gudbiyay Maxamed bin Saayid qadka taleefanka bishii Nofembar, waxyar kadib markii Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu booqasho ku tagay Aqalka Cad.

Shabakadda Middle East Eye ayaa horay u baahisay qorshaha Maxamed bin Salmaan ee ahaa inuu Trump ku cadaadiyo inuu tallaabo ka qaado Imaaraadka. Arrintan ayaa imaanaysa xilli guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ay go’doomintii RSF ee magaalada El-Fasher ee gobolka Darfuur ku tilmaameen mid xambaarsan calaamadihii xasuuqa.

Hadalladan ayaa xoojinaya weedho uu Trump dhowaan ka jeediyay madal ganacsi oo Sacuudiga iyo Mareykanka ku dhexmartay Washington, halkaas oo uu ku yiri in Boqortooyadu ay doonayso inuu qaado tallaabo aad u xooggan oo ku saabsan Suudaan, isagoo raaciyay inay durbaba billaabayaan shaqadaas.

Sacuudi Carabiya ayaa markii hore isku dayday inay dhex-dhexaad ka noqoto colaadda u dhaxeysa RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax Al-Burhaan.

Suudaan oo dhacda dhanka kale ee Badda Cas marka laga eego Sacuudiga ayaa noqotay goob ay ku loolamaan quwadaha gobolka. Halka Imaaraadku uu hub iyo dhaqaale ku taageero RSF, Riyaad ayaa dhankeeda garab istaagtay milateriga Suudaan, iyadoo ay wehliyaan dalalka Masar iyo Turkiga. Labada dhinac ee isku haya Suudaan ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, balse weerarada RSF ee Darfuur ayaa si gaar ah loogu aqoonsaday kufsi iyo xasuuq wadareed.

Sida laga soo xigtay New York Times, Trump ayaa u sheegay hoggaamiyaha Imaaraadka in saaxiibadiis ay doonayaan inay dabin u dhigaan, balse isagu uu garab taagan yahay.

Falanqeeyayaasha iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa aaminsan in ololaha Sacuudiga uu ahaa dhibcihii ugu dambeeyay ee ku riixay Imaaraadka inay taageeraan duulaankii ballaarnaa ee ay xoogagga gooni-u-goosadka Yemen qaadeen bishii Diseembar.

Tallaabadaas ayaa dhalisay in Sacuudigu uu qaado olole milateri oo xididada loogu siibay awooddii Golaha Ku-meel-gaarka Koonfureed (STC) ee uu Imaaraadku taageero. Hoggaanka Sacuudiga ayaa aaminsan in Imaaraadku uu arrintan u sameeyay aargoosi, isagoo ka caraysan codsiga cunaqabateynta ee Riyaad.

Xiisaddan ayaa u muuqata mid salka ku haysa xiriir xumo diblamaasiyadeed oo soo ifbaxeysay. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin reer galbeed ah, Maxamed bin Salmaan ayaa dhawaan warqad dheer u diray La-taliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka, Tahnuun bin Saayid, taas oo uu kaga cabanayo dhaq-dhaqaaqyada Abu Dhabi ee Suudaan iyo Yemen.

Warqaddan ayaa xambaarsaneyd eedeymo tafatiran, inkastoo ay sidoo kale soo bandhigtay in Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan, uu dhex-dhexaadin ka galo arrinta. Sacuudiga ayaa warqaddaas ku muujiyay inuu la yaaban yahay sida Imaaraadku u aaminay in Riyaad ay Mareykanka ku cadaadisay cunaqabateyn, taas oo u muuqata isku day lagu qaboojinayo xiisadda.

Ilaa iyo hadda, Madaxweyne Trump wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Imaaraadka, balse Mareykanka ayaa asbuucii hore cunaqabateyn saaray saraakiil ka tirsan RSF.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in walaalka iyo ku-xigeenka sarkaalka ugu sarreeya RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo “Xameeti”, uu isticmaalo aqoonsi Imaaraad ah, marka lagu daro baasaboor Kenyaan ah.

The post TRUMP oo Maxamed Bin Zayed u kashifay qorshe ka dhan ah oo uu rabo Bin Salman appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this