Deeq A. Posted 7 hours ago Tehraan (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa goordhow weerar culus oo qaraxyo ah ku qaaday gudaha dalka Iiraan, iyada oo bambaanooyinka laga maqlay guud ahaan magaalada caasimada ah ee Tehraan. Sida ay warisay Wakaaladda Wararka ee Fars dhowr gantaal ayaa ku dhacay waddada Jaamacadda (University Street) iyo aagga Jomhouri ee Tehran. Qiiq ayaa sidoo kale la arkayay isagoo ka baxaya magaalada. Sarkaal sare oo u hadlay Mareykanka ayaa u sheegay Al Jazeera in weerarradan loo fuliyay sidii hawlgal ciidan oo wadajir ah, kaas oo gobolka isugu keenay raxan aad u ballaaran oo diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ah, si la iskuugu dayo in caddaadis lagu saaro Iiraan inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda Nukliyeerka. Dhankeeda Wakaaladda Wararka ee Associated Press (AP) ayaa tebisay in weerarka ka dhacay caasimada Iiraan uu ka dhacay meel u dhow xafiisyada Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei. Sida uu sheegay sarkaal ay soo xigatay Reuters, Khamenei kuma sugna Tehraan, waxaana loo wareejiyay goob ammaan ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isna qoraal soo saaray ayaa ka hadlay weerarka, wuxuuna xaqiijiyay in Mareykanka uu ku lug leeyahay howlgalka socda, laguna beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah. Trump, ayaa sidoo kale ku daabacay muuqaal siddeed daqiiqo ah bartiisa bulshada ee Truth Social, isaga oo sheegay in ay burburin doonaan gantaallada Iiraan iyo warshadaha hubka ee dalkaasi “Weli waan dhegeysaneynaa muuqaalka iyo hadallada buuxa ee Trump, waxaana idiin soo gudbin doonnaa warar dheeraad ah dhawaan” ayuu yiri madaxweynaha. Xaaladda ayaa weli qasan, waxaana qaraxyo kale oo waa wayn laga maqlay waqooyiga iyo bariga caasimada Tehraan, waxaana jiro khasaare kala duwan. The post Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday qaaday Iiraan appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites