Sign in to follow this  
Deeq A.

Horumar laga sameeyay wadahadallada ku saabsan nukliyeerka ee u dhaxeeya IRAN iyo Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in horumar wanaagsan laga sameeyay wadahadallo aan tooska ahayn ee ku saabsan nukliyeerka ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka, xili ay Washington ka digtay in tallaabo milatari ay weli tahay ikhtiyaar kale oo miiska saaran haddii diblomaasiyadda ay fashilanto.

“Ugu dambeyntii, waxaan awoodnay inaan gaadhno heshiis ballaadgan oo ku saabsan mabaadi’da hagitaanka, kaas oo ku saleysan inaan horay u soconno oo aan ka shaqeyno qoraalka heshiis suurtagal ah,” ayuu Araghchi u sheegay telefishanka dawladda ka dib wadahadallada. “Horumar wanaagsan” ayaa la sameeyay, marka la barbar dhigo wareeggii hore ee Cumaan horraantii bishan, ayuu yidhi, isagoo raaciyay, “Hadda waxaan haysannaa waddo cad oo na hortaala, taas oo aan u maleynayo inay wanaagsan tahay.” Dhinaca Washington, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sidoo kale u muuqday inuu tilmaamayo in waddankiisu uu doorbidayo in wax lagu xaliyo diblomaasiyadda, laakiin waxa uu sidoo kale bixiyey tilmaamo kale. Wadahadallada, oo ay dhexdhexaadinayso Cumaan, ayaa Talaadadii shalay lagu qabtay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland iyadoo ay sii kordheen xiisadda colaad dhexmarta labada dhinac maraykanka iyo Iran.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this