Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo ku guul darraystay in Itoobiya ku biirto dalalka ka hor yimid aqoonsiga Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyska dalka Ethiopia ka soo baxa ee The Report ayaa xog dheeraad ah ka bixiyey safarkii maalintii shalay uu madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan uu ku tegay magaalada Addis ababa ee caasimadda Ethiopia kaas oo la xidhiidhay hawlaha gobolka ka socda gaar ahaanna aqoonsiga Somaliland.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Turkigu uu dedaal ugu jiro sidii loo fashilin lahaa aqoonsiga Somaliland isaga oo culays saaray dalalka uu u arko in ay la jiraan dhinaca Somaliland.

Ethiopia oo si weyn u raadinaysa marin badeed, waxa ay diidday in ay si cad uga soo hor jeesato aqoonsiga Somaliland, waxana warbixinta ku xusan in Addis ababa ciyaarayso laba arrimood oo noqonaya.

In ay ilaashato Somaliland maaddama oo ay haysto heshiiskii is fahan ee Somaliland kaas oo ilaa hadda aanay si rasmi ah uga laaban.

In ay haysto dhinacayda taageersan midnimada Soomaaliya sida Turkiga oo ay u muujiso in ay doonayso sidii marin badeed loola raadin lahaa.

Erdogan oo dhowaan ku hungoobay safar uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale fara madhan kala laabtay dalka Ethiopia isaga oo Abiy Axmed ku qancin kari waayey in uu si toos ah uga hor yimaaddo aqoonsiga Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this