Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii madaxda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo ka furmay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
1000136797-1440x960.jpg

Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, haalkaas oo goordhow uu ka furmay shirkii ay ku balansanaayeen iyaga iyo madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Madaxweyneyaasha Puntland & Jubaland, iyo Madasha Samatabixinta oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka.

Qodobka ugu weyn ee shirka looga hadlayo waa arrimaha doorashooyinka oo ay Golaha Mustaqbalka doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ku adkaysanayso doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan oo muddo la sugayay ayaa la saadaalin karin natiijada ka soo bixi karta, maadaama uu yahay shirkii ugu horreeyay oo yeeshaan Golaha Mustaqbalka iyo madaxda Dowldda Federaalka.

1000136798-1440x960.jpg 1000136796.jpg 1000136799-1440x1087.jpg 1000136800-1440x960.jpg 1000136801-1440x960.jpg 1000136802-1440x1440.jpg 1000136803-1440x960.jpg 1000136804-1440x960.jpg 1000136805-1440x960.jpg 1000136806-1440x960.jpg 1000136809-1440x960.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this