Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000136798-1440x960.jpg

Waxaa soo gabagabeebay shirkii ay maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ku yeesheen madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo qaatay saacado.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, sida uu sheegay xildhibaan Cabdullaahi Carab oo ah xoghayaha Golaha Mustaqbalka.

Wuxuu intaas ku daray in uu shirku berri sii socon doono, isagoo xusay in aan isu soo dhawaansho iyo kala fogaansho midna uusan lahayn kulankii maanta.

Golaha Mustaqbalka ayaa markii ay ka soo baxeen shirkii Villa Somalia waxay shir dhexdooda ah ku yeesheen xarunta Xalane, iyaga oo shirka berri loo ballamay u diraariyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisahkuur iyo xoghayaha Golaha xildhibaan Cabdullaahi Carab, kuwaas oo doonaya in ay keliya la xaajoodaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Lama saadaalin karo najiitada ka soo bixi karta wadahadallada Muqdisho, maadaama Golaha Mustaqbalka doonayaan in ay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ku adkaysanayso in ay dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this