Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo heshiis dhanka dekadaha ah la gashay Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
1000137226.jpg

Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa heshiis dhanka dekadaha ah la saxiixday wasiirka gaadiidka ee Boqortooyada Sucuudiga Carabiya, Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Heshiiskan ayaa quseeya iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa la xusay in uu si gaar ah diiradda u saarayo horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu kor u qaadayo hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka.

Heshiiskan oo aan la faahfaahin ayaa la aaminsan yahay in uu hordhac u yahay heshiisyo ay dhawaan kala saxiixan doonaan madaxda sare ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, kuwaas oo qaar ka mid ah la xiriiraan difaaca, amniga iyo dekadaha.

Heshiiskan wuxuu ku soo aaday, iyadoo dhawaan ay dowladda Soomaaliya laashay heshiisyo dhanka dekadaha ah oo ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this