Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno maaliyadda u qaabilsanaa Al-shabaab oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000138115.jpg

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay fulisay hawlgallo qorsheysan oo lagu dilay saddex nin oo ka tirsanaa garabka maaliyadda ee kooxda Al-shabaab.

Hawlgalladan waxaa la tilmaamay in ay ka kala dhaceen gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe, kuwaas oo sida lagu xusay lagu beegsaday rag si gaar ah ugu lug lahaa ururinta lacaga ay qaadaan kooxda Al-shabaab.

Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad ayaa la sheegay in lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Jubadda dhaxe, kaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, isagoo ka soo howlagay gobolo kala duwan.

Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna la sheegay in lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya, hawlgalkaas oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Aadan Dheere ayaa ahaa madaxda maaliyadda gobolka Banaadir ee kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda Al-shabaab, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda. Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow hogaamiyaha kooxda Al-shabaab Axmed Diiriye.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this