Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo diiday in uu la kulmo xubnaha Golaha Mustaqbalka u doorteen wadahadallada

Recommended Posts

Deeq A.   
1000136798-1-1440x960.jpg

Shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maantii labaad hakad ku jira, iyadoo aan wax wadahadallo ah dhicin tan iyo khimiistii oo kulankii u horreeyay ka dhacay xarunta Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu diiday la kulanka xubnaha Golaha Mustaqbalka u soo xileen wadaxaajoodka, kuwaas oo doonaya in ay keliya la xaajoodaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhankiisa doonayaa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay la xaajoodaan xubnaha ay soo xuleen Golaha Mustaqbalka ama in si guud loo wada kulmo, sida shirkii khimiistii dhacay.

Golaha Mustaqbalka ayaa khamiis doortay xubno madaxweyne Xasan Sheekh kala hadla arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo kala ah madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisahkuur iyo xoghayaha Golaha xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Golaha Mustaqbalka ayaa lagu waddaa in ay  maanta shir dhexdooda ah ka yeeshaan arrintan, kaas oo laga yaabo in ay ka soo saaraan war-saxaafadeed.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this