Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay saadaasha xilli roobaadka gu’ga ee 2026

Recommended Posts

Deeq A.   
1000138172.jpg

Puntland ayaa sheegtay in saadaasha xilli roobaadka gu’ga ee sannadkan 2026 ay tahay mid khayr badan laga fillayo, iyada oo deegaannada qaar heli doonaan roobab siyaado ah.

Deegaannada ay ka midka yihiin Garoowe, Buuhoodle, Laascaanood, Burtinle, Xudun, Dhahar, Galdogob, Galkaacyo, Ceerigaabo, iyo Iskushuban ayaa laga filayaa fursad ka sarreysa 40% in ay helaan roobab ka badan xaddigii looga bartay, sida lagu sheegay sadaal ay soo saartay Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Puntland.

Deegaannada kale ee Puntland waxaa loo saadaalinayaa 30% fursad ah roob caadi ah iyo 30% fursad ah roob ka yar sidii caadiga ahayd.

Inta badan deegaannada Puntland waxaa laga filayaa kor u kac heer-kulka ah oo ka sarreeya sidii caadiga ahayd (in ka badan 60% fursad ah) sida lagu xusay saadaasha.

Sidoo kale waxaa jiri kara uumi-bax xooggan oo ku dhaca ilaha biyaha iyo cowska, taas oo keeni karta in ay yaraadaan biyaha ceelasha iyo dhul daaqsimeedka.

1000138168-1018x1440.jpg 1000138169-1018x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this