Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni, Madoobe iyo mucaaradka oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
633010368_122123031567060348_48106169660

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo maanta madaxda golaha ay la kulmeen ururrada bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ka dhacay Airport Hotel oo ku yaalla xayndaabka garoonka ee xerada Xalane, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo shirka dhowaan uu goluhu la yeelanayo Dowladda Federaalka, si dalka looga badbaadiyo hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah.

Waxaa goobjoog ka ah kulanka madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Shirkan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo dhexmaray madaxda Puntland, Jubaland iyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kuwaas oo iyagana looga hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku guda jira wadatashiyada ayaa sidoo kale dhawaan la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, inkastoo weli la isku mari la’yahay goobta uu ka qabsoomayo shirka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, maadaama ay qabaan walaac amni.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa xaqiijiyay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis buuxa laga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, iyagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhab ah u wajaho wada-hadallada loo ballansan yahay.

Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale caddeeyay in dalka u baahan yahay badbaado iyo in heshiis laga gaaro hannaanka doorashada, xilli bilo kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddelka dastuurka, oo ay isku fahmi la’yihiin Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

638152129_122123030943060348_68203775435

633010368_122123031567060348_48106169660

632598886_122123031603060348_13951465841

634673426_122123031579060348_42266195521

633799997_122123031591060348_72561701687

The post Deni, Madoobe iyo mucaaradka oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this