Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ujeedka safarka Xasan Sheekh ku tagay Itoobiya?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000134241-1440x960.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku soo dhaweysay wasiirka dakhliga Itoobiya, Ainalem Nigusse.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika, meertadiisa 39-aad oo ay ka qaybgalayan hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika.

1000134242-1440x960.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee shirka ka qeyb-galaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka ay aqoonsigii ay sraa’iil siisay maamulka Somaliland, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale wuxuu uga mahadcelinayaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika taageerida xubinnimada Soomaliya ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this