Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamse oo kulamo xogtooda la qariyay Xalane kula qaatay Deni iyo Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000134639-1440x810.jpg

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Kulamada Ra’iisul Wasaare Xamse la qaatay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa laga ilaaliyay wax dhaqdhaqaaq ah, iyada oo madaxda hab maamuuska u qaabilsan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay banaanka ku celiyeen wasiiro ay ka mid yihiin Cali Xoosh iyo Fartaag, sidoo kale waxaa bannaanka lagu reebay saxaafadda iyo kooxda warbaahinta u qaabilsan Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale xafiisyada warbaahinta ee Ra’iisul Wasaare Xamse iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland wax war ah kama soo saaarin kulamada mas’uuliyiinta iyo waxa looga hadlay.

Kulamada waxay ka dheceen xarunta Xalane, gaar ahaan hotel Airport oo degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, halkaas oo Ra’iisul Wasaare Xamse la galay askar iyo gaadiid aad u badan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this