Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaarta Soomaaliya oo saamaysay dad gaaraya 7 milyan

Recommended Posts

Deeq A.   
1000114893-1-1440x810.jpg

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dad gaaraya 7 milyan oo ruux ay wajahayaan biyo la’aan, cunta la’aan iyo caafimaad darro, kuwaas oo ay saamaysay abaarta daran ee ka jirta guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa yiri “7 milyan oo Soomaali ah ayaa caawa wajahaya xaalad adag oo biyo la’aan, cunta la’aan iyo caafimaad darro ah”.

Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu xusay in baaqyo ku aadan abaarta daran ay u direen dalalka caalamka ee Soomaaliya safaaradaha ku leh, hase ahaatee ay yar tahay cidda ka soo jawaabtay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ma uusan sheegin wax gurmad ah oo dowladda Soomaaliya gaarsiisay dadka abaartu saamaysay iyo waxa loo gaarsiin waayay taageerada yar ee laga helay Beesha Caalamka.

Shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan ee jooga dalka iyo dibada ayuu ugu baaqay in ay ka qaybqaataan gurmadka dadka ay saamaysay abaarta daran.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this