Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu doonayey ninkan ku soo orday madaxweynaha Kenya markii uu Wajeer ka khudbaynayey

Recommended Posts

Deeq A.   

6667a3d0-089a-11f1-9972-d3f265c101c6.jpg

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Nin ku soo orday madaxweyne William Ruto oo khudbad ka jeedinayay Wajeer ayaa ugu dambayn hadlay isagoo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Muqaal laga arkay warbaahinta iyo baraha bulshada ayuu ninkan ku sheegay in aanu wax xumaan ah ka lahayn, isla markaana uu doonayey in uu Madaxweynaha kala hadlo hammigiisa siyaasadeed.

“Taasi waxay ahayd markii uu madaxweynuhu khudbaddiisa soo koobayay, waxaana doonayay inaan salaamo, mana garanayn in falkaygu uu dhibaato keeni doono, waxaan ku rajo weynahay inaan arki doono” ayuu yiri ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Cabdi, goor dambe oo uu warbaahinta la hadlayey.

Sida uu sheegay ninkaasi, waxa uu ku dhacay rooga Madaxweynaha agtiisa markii askarta amniga madaxweynaha qaabilsan ay legdeen.

Dhacdadan ayaa dhacday xilli uu madaxa dowladda Kenya kula hadlayay dadka magaalada Wajeer meel fagaare ah, markii ninkan oo aan la aqoonsan uu ka soo dhex baxay dadkii isku soo baxay oo u soo cararay halka uu madaxweynaha khudbadda ka jeedinayey.

Ciidamada ammaanka ayaa si deg deg ah ugu soo booday, iyaga oo xakameynaya oo ka saaray goobta, arritaas oo muddo kooban carqaladeysay hadalkii Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Ruto ayaa soo farageliyay, isagoo ugu baaqay laamaha ammaanka inay si deggan xaaladda wax uga qabtaan.

“Ee, waan ka xumahay, iska daa, meel halkaas ah ha fadhiisto, aniguna hadhow ayaan arki doonaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isaga oo u tilmaamay saraakiisha inay fududeeyaan jawaabtooda

Munaasabadda ayaa sii socotay iyada oo aan la joojin.

Ruto

Xigashada Sawirka,William Samoei Ruto

6-dii Febraayo, cabsi amni oo sidan oo kale ah ayaa ka dhacday Mombasa markii nin kale oo aan la aqoonsan uu ku soo cararay Ruto xilli uu la hadlayay ka faa’iideystayaashii barnaamijka awood siinta dhalinyarada ee Nyota.

Dhacdadan ayaa ka dhacday goobta bandhigga ee Jomo Kenyatta, halkaas oo uu Ruto madax ka ahaa bixinta 147 milyan oo la siiyay 5,880 dhallinyaro ah oo hal-abuuro ganacsi la yimid, kuwaas oo ka kala yimid ismaamulada Mombasa, Kwale iyo Taita-Taveta.

Madaxweynaha ayaa dadweynihii ka soo qeyb galay kulanka la hadlayey.

Daqiiqado ka dib ayaa waxaa si lama filaan ah dadka uga soo dhex baxay nin oo ku cararay dhanaka madaxweynaha, hase yeeshee waxaa qabtay ciidanka amniga madaxweynaha qaabilsan.

Si kastaba ha ahaatee Ruto ayaa soo farageliyey, isagoo u sheegay mid ka mid ah saraakiisha amniga inay fasaxaan.

BbcSomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this