Deeq A. Posted 12 hours ago Maleeshiyada FANO ee ka dagaallama dalka Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay sameeyay hawlgal militari oo weyn oo ka dhacday Gobolka Amxaarada, waxayna la wareegeen magaalada Debre Tabor, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay. Warbaahinta loo arko in ay mucaaradka taageerto Ethio News ayaa werisay in ciidamada FANO ay la wareegeen qaar ka mid ah degmooyinka Bahir Dar hoos yimaadda iyo deegaanno kale oo dhowr ah, kaddib markii ciidammada ammaanku ay ka baxeen qaybo ka mid ah gobolka. Warar dambe ayaa tilmaamay in maleeshiyadu markii dambe ka baxeen magaalada, hase yeeshee BBC si madax-bannaan uma xaqiijin warkaasi. Source Bbc somali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites