Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Wadda Dedaallo Diblumasiyadeed oo Cusub” Warbixin: Bne Intellinews

Recommended Posts

Deeq A.   

14-732x420-1-300x172.png

Warbixin ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee Intellinews ayaa sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu wado dedaallo diblumaasiyadeed oo cusub, kuwaas oo uu diiradda ku saarayo sidii Somaliland ay u kasban lahayd aqoonsi ballaadhan oo caalami ah, gaar ahaan aqoonsiga Maraykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ku hawlan yahay dedaallo caalami ah oo ujeedadoodu tahay horumarinta nidaamka dawladnimo ee Somaliland, kuwaas oo la xidhiidha sidii Somaliland ay u noqon lahayd qaran madax-bannaan oo caalamka ka haysta aqoonsi rasmi ah. Warbixintu waxa ay muujinaysaa horumar iyo guullo taariikhi ah Somaliland ka gaadhay dadaaladeeda diblomaasiyadeedd ee caalamiga ah.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in aqoonsigii rasmiga ahaa ee dawladda Israa’iil ay siisay Somaliland uu furay fursado cusub iyo albaabo diblumaasiyadeed oo caalami ah, kuwaas oo ah horumar iyo guul taariikhi ah oo ay gaadhay Somaliland iyo fursad muhiim ah oo ay Somaliland ku soo bandhigtay xidhiidh cusub iyo diblomaasiyad qoto-dheer.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu sheegay in dadaalka Somaliland ee aqoonsiga caalamiga ah uu si taxaddar leh u socon doono, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha siyaasadeed ee kordhay tan iyo markii la aqoonsaday Somaliland. Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa carabka ku adkeeyay in xogta tallaabo kasta oo loo qaadayo dhinaca aqoonsiga Somaliland ay tahay in si dhab ah loo xafido, maadaama ay jiraan cadaw badan oo ka soo cusboonaaday aqoonsiga cusub.

Sidoo kale warbixinta ayaa xustay hawl-gallada diblumaasiyadeed ee Madaxweynaha Somalialnd ku xoojinayo taageerada Maraykanka iyo fursadaha maalgashi, waxaana lagu yidhi “Madaxweyne Cabdiraxmaan marka uu ka hadlayo sidii uu u doonayo xoojinta taageerada Maraykanka, wuxuu tilmaamay muhiimadda juquraafiyeed ee Somaliland, isagoo xusay xeebaha Badda Cas, Gacanka Cadbeed iyo muhiimadda Geeska Afrika iyo sidoo kale kheyraadka dabiiciga ah ee dalkiisa sida shidaalka, gaaska, iyo macdanta.

Warbixintu waxay kaloo sheegtay in Somaliland ay xidhiidh diblumaasiyadeed oo wanaagsan la leedahay Imaaraadka Carabta, oo ah maalgeliyaha ugu weyn ee Somaliland. “Shirkadda DP World, oo gacanta ku haysa dekedda Berbera, ayaa ku maalgelisay in ka badan $400 milyan si loo ballaadhiyo xarunta dekedda iyo in la dhiso aagga suuqa xorta ah oo muhiim ah.Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa xaqiijiyay in dhammaan heshiisyada iyo mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kuwa la xidhiidha dekedda Berbera, ay si habsami ah u socdaan isla markaana ay yihiin kuwo sharciyeysan.”

Warbixintani waxay si hufan ugu soo bandhigaysaa dadaalka Somaliland ee aqoonsi caalami ah, iyadoo muujinaysa xidhiidhka istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay si cad u muujineysaa dadaalka Somaliland ee diblomaasiyadda, iyadoo la xusay in Somaliland si taxaddar leh uga shaqaynayso in ka badan sidii hore si ay uga hesho aqoonsi iyo taageero caalami ah.

Warbixintan waxay si cad u muujineysaa istaraatiijiyadda Somaliland ee xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo kheyraadka dabiiciga ah, taasoo meesha ka saaraysa cabsi iyo walwalka ku saabsan khataraha amni iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka iman kara siyaasadaha gobolka iyo saameynta kuwa ka soo horjeeda horumarka qaranka Somaliland.

Guntii iyo gabagabadi, warbixintan waxay muujinaysaa dadaal joogto ah ee xukuumadda Somaliland ay ku raadineyso aqoonsiga caalamiga ah iyo xidhiidhadeeda diblumaasiyadeed ee firfircoon, kuwaas oo ay ku sifayso tallaabooyin wax ku ool ah oo keeni kara guulo waaweyn oo dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this