Sign in to follow this  
Deeq A.

Kim Jong Un oo gabadhiisa ku wareejinaya xukunka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Kim-Jong-Un-Daughter-gabadha.avif

Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa u muuqda mid sii adkeynaya awoodda gabadhiisa si ay u noqoto dhaxal-sugaha xilka ugu sarreeya dalkaas, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya inay haatanba talo ku yeelato go’aamada masiiriga ah ee siyaasadda, sidaas waxaa Khamiistii shaaca ka qaaday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed oo soo xiganaya warbixin xog-warran ah oo ay siiyeen hay’adaha sirdoonka.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed (NIS) ayaa sheegtay inay si dhow isha ugu hayso in gabadhaas, oo la rumeysan yahay in magaceedu yahay Kim Ju Ae, ay kasoo muuqan doonto shirka weyn ee soo socda ee Xisbiga Shaqaalaha ee talada haya, iyo qaabka loo soo bandhigi doono, iyadoo la eegayo haddii la siin doono wax xil ama magac rasmi ah.

“Horey sirdoonka (NIS) waxay Kim Ju Ae ugu tilmaami jireen qof ‘baraneysa xilka dhaxalsugenimada’, balse maanta eraybixinta la adeegsaday waxay ahayd inay ku jirto heer ah ‘dhaxalsuge si hoose loo magacaabay’,” ayuu yiri Xildhibaan Lee Seong-kweun oo la hadlay warbaahinta kadib kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay la qaateen saraakiisha sirdoonka.

Ju Ae, oo la aaminsan yahay inay ku jirto da’da tobaneeyada, ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu soo bandhigayay warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi, iyadoo aabaheed ku wehlisa kormeerrada melleteri, oo ay ku jiraan goobaha lagu tijaabiyo hubka. Tani ayaa sii xoojisay saadaasha dadka fallanqeeya arrimaha gobolka oo aaminsan in gabadhan loo diyaarinayo sidii ay u noqon lahayd hoggaamiyaha afaraad ee dalkaas.

Sirdoonka NIS ayaa rumeysan in doorka ay ku leedahay munaasabadaha dadweynaha uu muujinayo inay billowday inay talo ku biiriso siyaasadda, isla markaana loola dhaqmayo sidii hoggaamiyaha labaad ee ugu awoodda badan dalkaas, sida ay sheegeen xildhibaannada kala ah Lee iyo Park Sun-won.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhowaan ku dhawaaqday in Xisbiga Shaqaalaha uu qaban doono shirweynihii sagaalaad dabayaaqada bishan Febraayo, waana dhacdo la filayo in lagu soo bandhigo qorshaha siyaasadeed ee sanadaha soo socda ee dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa sheegay in Hoggaamiye Kim Jong Un uu si toos ah u hagayo dhismaha gujis weyn oo la filayo inuu qaadi karo illaa 10 gantaal oo ah kuwa ballistigga ee laga rido badda hoosteeda. Gujiskan oo culeyskiisu yahay 8,700 oo tan, ayaa la sheegay in laga yaabo in loo qaabeeyay inuu ku shaqeeyo tamarta Niyukleerka.

Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda in gujiskan uu si rasmi ah ugu shaqeyn doono tamarta Niyukleerka iyo inuu noqon doono mid si buuxda u hawlgala sidii loogu talagalay, sida ay xildhibaannadu kasoo xigteen falanqeynta sirdoonka.

The post Kim Jong Un oo gabadhiisa ku wareejinaya xukunka dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this