Deeq A. Posted 11 hours ago Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta (JKIA) ku xiray Cabdinaasir Cige, oo loo yaqaan Naasir Cige, oo horey u soo noqday la-taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, sheegayna in uu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya. Mas’uulkan ayaa loo qabtay eedeymo la xiriira falal wax-is-daba-marin iyo khiyaano, waxaana si degdeg ah loogu gacan geliyay Waaxda Dembi-baarista ee Kenya (DCI) si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in 37-jirkan, oo heysta dhalashada dalalka Soomaaliya iyo Australia, lagu qabtay Terminaalka 1A ee garoonka JKIA, xilli uu kasoo degayay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways, isagoo ka yimid dalka Australia, soo marayna magaalada Johannesburg. Sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga, xarigga Nasa Cige ayaa yimid kadib markii nidaamka socdaalka uu bixiyay digniin (Alert) la geliyay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2026-ka. Digniintaas ayaa la sheegay inay salka ku haysay kiis la xiriira “lacag ku helid qaab khiyaano ah” (Obtaining money by false pretenses). Eedeysanaha ayaa markii hore lagu hayay saldhigga booliska ee garoonka JKIA ka hor inta aan loo gudbin xarunta DCI-da ee magaalada Nairobi. Dhinaca kale, Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay intii uu ku sugnaa garoonka ku sheegay inuu aaminsan yahay in xariggiisa uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, uuna tuhunsan yahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lug ku leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan ciidamada la-dagaallanka argagixisada ee Kenya. “Waxaan ku xiranahay Kenya, waxaana i haya ciidamada la-dagaallanka argagixisada,” ayuu ku yiri muuqaalka uu baahiyay. “Waxaan rabaa in aan idinla wadaago in haddii ay wax igu dhacaan, waxaa loo haystaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Xamza, oo isoo dhex-maray dowladda Kenya, marar badanna waa idin sheegay in lacag badan la igu bixiyo,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in ay tahay markii sagaalaad oo la isku dayo in la xiro ama la dilo, sida uu hadalka u dhigay, oo lacag badanna lagu bixiyey. Si kastaba ha ahaatee, booliska Kenya ayaa warkooda ku beeniyay sheegashadaas, iyagoo aan marnaba soo hadal qaadin wax la xiriira argagixiso, waxayna ku adkeysteen in kiisku yahay mid la xiriira dembi maaliyadeed iyo digniin horey u taallay waaxda socdaalka. The post Cabdinaasir Cige oo kiis xasaasi ah loogu xiray Kenya appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites