Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo mowqif ka soo saaray wada-hadalka kadib dhacdadii Shariif iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
556891352_1350090483139957_8712928454503

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay weli ka go’an tahay “ka qeybgalka iyo ka mira-dhalinta wadahadallada lagu jaangooynayo jihada siyaasadeed ee dalka,” inkastoo ay si adag u cambaareeyeen dhacdo ay ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada dowladda ku sameeyeen madaxdooda sare, xilli ay ku wajahnaayeen kulan muhiim ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha xalay, ayaa lagu sheegay in ujeedka kulankooda uu ahaa diyaar-garowga wada-xaajoodka la filayo inuu dhex-maro iyaga iyo Dowladda Federaalka, si looga baaqsado firaaq dastuuri ah iyo qalaalase siyaasadeed.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal-u-helista khilaafaadka doorashada ay tahay dan qaran, balse waxay walaac ka muujiyeen tallaabooyinka amniga ee lagu beegsaday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha ayaa qoraalkooda ku sheegay in “Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo masuuliyiinta hay’adaha amniga ay ka warqabaan maamuuska iyo habraacyada gaarka ah ee ay leeyihiin Madaxweynayaashii hore,” iyagoo intaas ku daray in falkaasi aanu ahayn mid shakhsi balse uu yahay mid “ka turjumaya sharafka hay’adaha dowliga ah iyo joogtaynta nidaamka dowladnimo.”

Waxay sidoo kale uga digeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku mashquulo “dano siyaasadeed oo sii kala fogeynaya dadka Soomaaliyeed.”

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa si degdeg ah isaga fogeysay eedeynta ah in madaxdaas la hor-istaagay, iyadoo soo saartay war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan habraaca amniga garoonka Aadan Cadde.

Wasaaradda ayaa caddeysay in “habraacaasi wuxuu dhigaya in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Mariina Gate, isla markaana aan loo oggolayn in ciidan hubeysan lala galo gudaha garoonka.”

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu eedeeyay madaxda mucaaradka inay jebiyeen nidaamkaas: “Waxaa dhacday in qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee dalka ay ku xadgudbeen nidaamkaas, iyagoo gudaha garoonka la galay ciidamo aad u tiro badan, isla markaana isticmaalay albaab aan ahayn midka loo asteeyey.”

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in tallaabadaasi ay “halis ku tahay amniga iyo badqabka garoonka,” waxayna ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga, iyadoo sheegtay in “aanay jirin masuuliyiin hore oo loo diiday inay galaan garoonka, balse ay jireen kuwo diiday inay u hoggaansamaan habraaca amniga.”

Si loo dajiyo xiisaddaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo culus, isagoo booqashooyin is-daba-joog ah ku tegay hoyga madaxda ugu miisaanka culus mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu horreyn hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble, kadibna wuxuu u gudbay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, halkaas oo uu sidoo kale ku sugnaa Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka.

Kulamadan ayaa lagu tilmaamay qeyb ka mid ah “niyad wanaagga madaxda dowladda” iyo dadaallada lagu abuurayo jawi deggan oo dalka horey loogu wadi karo. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa madaxda u xaqiijiyay in gogosha dowladda ay fidsan tahay.

“Albaabka madaxdana waa furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-helista arrimaha taagan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza, isagoo ku baaqay in loo midoobo la-dagaallanka “cadowga Khawaariijta” iyo ka hortagga faragelinta shisheeye.

Tallaabada Ra’iisul Wasaaraha iyo mowqifka Golaha Mustaqbalka ee sii wadidda wadahadalka ayaa muujinaya in inkastoo uu jiro muran dhanka habraaca amniga ah, haddana geeddi-socodka siyaasadeed ee doorashooyinka uu weli yahay mid socda.

The post Mucaaradka oo mowqif ka soo saaray wada-hadalka kadib dhacdadii Shariif iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this