Deeq A. Posted Tuesday at 03:51 AM Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta gelinka dambe ka dego magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka. Wafdi hordhac ah safarka madaxweyne Deni oo ay ka mid yihiin ciidamada ilaalada madaxweynaha ayaa saaka ka degaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Sidoo kale madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta gelinka dambe gaaraya magaalada Muqdisho, waxaana uga ka sii horraynaya ciidamo iyo wafdi hordhac u ah safarkiisa. Maanta oo talaado ah taariikhduna ku beegan tahay 10 bisha Febraayo waa maalinkii loo balansanaa shirka Muqdisho, iyada oo lagu wado in ay tagaan dhammaan ka qaybgalayaasha. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan cudurdaar ka bixisay celintii diyaaradihii waday wafuuda iyo ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, kaddib markii ay labada dhinac dhexdhexaadisay Beesha Caalamka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites