Sign in to follow this  
Deeq A.

Milicsiga Buugga Baadi-goobkii Nabadda Geeska

Recommended Posts

Deeq A.   
1000132456-1440x896.jpg

Hordhac

Buugga Baadi-Goobka Nabada Geeska, waa buug dhigaal taariikheed ah, oo uu dhowaan qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Buuggu waxa uu ka faaloonayaa shaqadii uu Danjire Afey soo qabtay muddo ku dhow labaatan sanno. Buuggu waxa uu daboolka ka rogayaa dadaalkii loo soo maray dawlad-dhiska Soomaaliya iyo dabino badan oo loo qoolay. Qoruhu waxa uu muujiyey xilkasnimo, xeeladaha xalinta khilaafaadka, iyo qar-iska xoornimo uu u galay xal u helida Soomaaliya. Daacadnimada, dadnimada, damiirka iyo danqashada ee qoraha waxa ay door wayn ka qaadatay yagleelidii dawalda Soomaaliya iyo dalwad-goboleeyada Soomaaliyeed intooda badan. Waxa uu qoruhu halis u geliey naftiisa sidii loo xaliyey colaado badan iyo doonista dad badan oo dawlad dhiska looga baahnaa. Qoruhu waxa uu kulansaday karti iyo aqoon, sidoo kale waxa soo maray fursado shaqo oo u sahlay inuu ka miro dhaliyo dareenkiisa, sida in uu noqday wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibada ee Kenya oo loo idmaday in uu Kenya ku metalo xafladii caleemo saarka ee shirkii Carta, iyo ka qayb -galka shirkii Qaramada Midoobay ee sannadkii 2002dii, taas oo uu ku metelayey dalka Kenya, taas oo fursad u siisay in uu arrimaha Soomaaliya kala hadlo dad badan. Sidoo kale, inuu noqday safiirka Kenya ee dalka Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Soomaaliya ee urur-goboleedka IGAD iyo ergay arrimaha qaxootiga ee hayd’ada qaxootiga aduunka u qaabilsan Soomaaliya iyo Yaman. Buuggu waxa uu xanbaarsan yahay sheekooyin badan oo taariikhdu qorayso, iyo casharo badan oo laga baran karo dhaqanka siyaasiga iyo Soomaalida. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 330 bog iyo 13 cutub.

Dul-marka Dulucda Buugga

Qoraagu waxa uu buuggiisa ku bilaabay taariikh nololeedkiisa oo kooban (sida dhalashada, waxbarashada, shaqada, yagleedida reerka iyo bilowgii gelista siyaasadda). Qoruhu waxa uu ku dhashay miyiga deegaanka Turguda ee koonfurta Wajeer, goor jilaal ah oo reerku geedi yahay. Xilliga uu dhashay qoraagu waxa ay ahayd xilli adag, oo jiilal ah oo ay jirtay colaad ay dawlada Kenya ku beegsanaysay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowgii kale ee la dubnaa (Booran, Reer Diinle iyo Gabra) oo doonayey in ay la midoobaan Soomaaliya. Taariikh ahaan dhalashada qoruhu waxa ay ku began tahay 1968-dii, taas oo laga soo dheegtay xilli ay da’day dayr caan ah iyo colaadii jirtay oo loo bixiyey Joon-ka-carar. Qiyaastii qaranigii 17-aad ayaa qayska uu ka soo jeedo quruhu ka soo hayaameen deegaanka Wardheer ee gobolka Doolo. Qoraagu waxaa uu si kooban u iftiimiyey halgalnkii xoriyad doonka ee NFD, dhibtadii iyo tacadiyadii loo geysan jiray dadka (xasuuqyadii: Gaarisa 1980, Wajeer 1982, Mandheera 1984), sidii dadka reer NFD ay ugu halgamayeen in ay la midoobaan Soomaaliya, taageeradii dawladdii Soomaaliya iyo sidii uu heshiiskii Caruusha (1967) uu dhabarka uga jebiyey halgankii iyo himiladii ku biirista Soomaaliweyn.

Abaar dhacday sannadkii 1972-dii, ayaa keentay in qoyska qoruhu ay degaan magaalada Gaarisa. Aadan Afey oo ahaa qoraha adeerkiis ayaa saldhig u ahaa nolosha qoyska reer Afey iyo waxbarashada qoraha. Qorahu adeeriis Aadan waxaa loo bedelay Mandheera Sannadkii 1975, halkaas oo uu qoruhu ka dhamaystay waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe. Waxa uu dugsiga sare ku dhamaystay sannadkii 1986 dugsiga Sanbunley oo qiyaastii 10 km ka xigta koonfurta Wajeer. Ka dibna dugsiga sare ee heerkiisa labaad ka bilaabay Dugsiga Sare Nayroobi (Nairobi High School) ee magaalada Nayroobi. Xilligaas nidaamka waxbarashada ee Kenya waxa uu ahaa 13 sanno (7+4+2). Qoraagu waxa uu maanka ku hayey duruufaha qoyskiisa iyo deegaankiisa, waxa uu jeclaa inuu barto sharciga, hase yeeshee waxa uu jaamacada Keenyaata (Kenyatta University) ka helay culuumta siyaasadda. Intii uu jaamacadda dhiganayey waxa uu noqday guddoomiyaha ururka ardayda gobolka waqooyi-Bari ee Kenya, taas oo uu ka ogaaday sida ay qabyaaladu Soomaalida u kala qaybiso, weliba arday aad u tiro yar oo tacliinta sare dhigta. Waxa kale oo uu arrintaas ku helay fursada uu ku dhiirigeliyo ardayda gobolka Waqooyi-Bari.

Markii uu dhamaystay jaamacada sannadkii 1992-dii, waxa uu bilaabay in uu furto xafiiska safarada iyo isgaarsiinta. Markii uu dareemay inuu la soo bixi karo nolol maalmeedkiisa ayuu reer dhistay sannadkii 1995-tii. Hamiga labaad ee qoruhu waxa uu ahaa in uu ku biiro siyaasadda Kenya si uu ugu adeego dadka reer Waqooyi-Bari. Arrintaas waxaa aad ugu dhiirigeliyey soocelintii lacag loo xukumay nin macallin ah oo reer Wajeer ahaa oo uu qareenkiisii dhacay. Dhacdadaasi waxa ay abuurtay in Afey aad looga jeclaado deegaankiisii, laguna dhiirigeliyo ka qayb galka siyaasada. Sidoo kale, intii uu guddoomiyaha ahaa ayuu waxa uu kasbaday sumcad badan. Intii uu ku jiray soo celinta lacagta macallinka laga dhacay, qoruhu waxa uu fahmay sida uu siyaasigu wax ugu qaban karo dadkiisa, maadaama uu xildhibaan kala shaqeeyey dacwada soo celinta lacagta.

Sannadkii 1997-dii, ayaa Afey loo doortay xildhibaanka koonfurta Wajeer oo ay afar reer ku tartamaan (Maxamed Subeer, Muqaabil, Bah-geri iyo Geri), weliba waxaa tartamayey xildhibaankii xilka hayey iyo xildhibaan hore. Sidoo kale waxa laga dhigay wasiir-ku-xigeenka iskaashatooyinka, bilo ka dibna wasiir-ku-xigeenka deegaanka, todobo bilood ka dibna wuxuu noqday wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibada. Sida uu qoruhu sheegay, labo dhacdo oo waaweyn ayaa soo maray deegaanka Waqooyi-Bari intii uu wasiirka ahaa. Tan hore, waxay ahayd daadad ku soo rogmaday deegaanka oo xayiray isku socodka , taas oo uu ka shaqeeyey in la adeegsado diyaarado si dadka cuntada loogu qaybiyo. Tan kale waxa ay ahayd in uu naftiisa iyo xilkiisa khatar u geliyey in uu u tilaabo xadka Soomaaliya ee Diif, si loo dayac tiro ceelal ku yaalay guddaha Soomaaliaya oo ay biyo la’aan ba’an ka jirtay. Arrinta kale ee xusidda mudan, waxa ay ahayd in uusan wargelin madaxweynaha Kenya, taas oo ay dad mucaarad ku ahaa ay uga faa’iidaysteen in ay dacwad ka gudbiyaan. Waxayaabaha kale ee uu qabtay Afey waxaa ka mid ah, dhisida hay’ad samofal, abuurista fursado shaqo iyo waxbarasho.

Shirarkii Carta iyo Eldoter

Qoruhu waxa uu cutubyada 4-aad ilaa 8-aad, kaga hadlayaa dhacdooyinkii shirarkii Carta, Eldoret, iyo Mbagathi, xulistii baarlamaankii 2-aad, doorashadii madaxtinimada, kulankii Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi Yuusuf oo saldhig u ahaa miro dhalka shirkii Mbagathi iyo qodobo kale.

Qoruhu waxa uu qirey in khudbadii qiirada badnayd ee madaxweynaha Jabuuti uu ka jeediyey golaha Qaramada Midoobay sannadkii 1999-kii, ay ahayd shidaalka dhaqaajiyey qabashadii shirkii Carta. Qoraagu, isaga oo ah wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibada ee Kenya, ayaa loo idmaday inuu hogaamiyo waftiga Kenya ee ka qayb gelaya xaflada caleema-saarka madaxweyne Cabdiqaasim. Waxyaabaha uu hoosta ka xariiqay qoruhu waxa ka mid ah in uu dhex fariistay Sanaawi (Zenawi) iyo Afawerqe (Afwerki) oo aan wada hadlin, indhaha isku eegi karin. Sidoo kale in labaduba ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan xaflada. Qoraagu waxa uu goobtaas ka jeediyey khudbad qiimo iyo qiiro lahayd, isaga oo ku daray khudbada waxyaabo badan oo uu san horey u soo qoran, hase heeshee dareenkiisa ka dhashay, waxa uuna si cad u sheegay in ay dawlada Kenya taageersan tahay dawlada Soomaaliya ee la dhisay. Sanaawi (Zenawi) oo maalin ka dib dalka Burindi kula kulmay madaxweynaha Kenya, Moi ayaa ku yiri: “Ninka dhalinyarada (Afey) ah ee soo dirtay, ma malaynayo inuu fahmayo wixii meesha ka dhacay, fadlan taxadar”. Arrintaasi waxa ay keentay in ay dood adag ka dhex abuurto Afey (qoraha) iyo Madaxweyn Moi. Afey markii uu la kulmay maxdaxweyne Moi, waxaa lagu yiri: “Warkaagu waa kaa soo horeeyey”. Afey si xamaasad leh ayuu ugu sheegay Moi wixii ka dhacay Carta iyo fariinta uu gudbiyey. Moi ayaa ugu jawaabey;” …. Laakiin waxaa la ii sheegay in ay meesha ka dhalatay dawlad islaami ah oo gobolka khatar ku ah”. Afey ayaa ku warceliyey: “Dal muslim ah weeye dalka dawlada dhistay, waajibkeenuna waa in aan garab istaagno”. Moi (oo indha giir iska kiciyey) ayaa yiri:” …taxadar, raysul wasaaraha Itoobiya ma taageerin natiijadii shirka”. Markale ayaa Afey oo difaacaya arrinta yiri: “Waxaan sheegay in Kenya ay wax la qabanayso dalwada la dhisay”. Ka dibna Moi ayaa si adag u yiri: “.. maya, maya, arrinta aan hoos u dhigno..” Arrintaasi welwel ayey ku abuurtay Afey, isaga oo ka danqanaya dhibka haysta Soomaaliya iyo sida loo hortaagan yahay xalkiisa. Maalo ka dib, dawlada Itoobiya ayaa sheegtay in Kenya iyo Itoobiya aysan taageerin natiijadii Shirkii Carta. Afey ayaa mar kale idaacada BBC ka sheegay in Kenya ay taageersan tahay dawlada lagu soo dhisay Carta. Sirdoonka Itoobiya ayaa soo tarjumay warkii Afey oo u gudibyey Kenya. Moi ayaa u yeeray Afey oo ku yiri: “….sow kuma oran arrintaas mar kale ha ka hadlin”. Afey ayaa igu jawaabay idaacada ayaa ila soo xiriirtay, aniguna go’aankii aad ii dhiibtay ayaan u sheegay. Mio ayaa yiri ; “… Haa…laakiin, arrintaas dib ayaan u qiimayn, waana kaala taliyey” Afey waxa uu isku deyey in uu sharxo in aysan Soomaalidu dhib u arag Kenya, sabab loola dagaalna aysan jirin. Moi (oo indho-cadaynaya) ayaa yiri:”…. Waan kuu sheegay arrintaas ka gaabso”. Labada jeer ee uu Afey la kulmay Moi, waxa la fadhiyey madaxii sirdoonka ee Kenya”.

Afey oo dareemaya in Moi xilka ka degayo, ayaa kula taliyey inuu Soomaalida shir u qabto, waxa uuna u qoray warqad. Ka dibna, shirkii IGAD ee Diseember 2001, ayaa Kenya loo xilsaaray in ay shir u qabato Soomaalida. Afey awood buuxda ayaa loo siiyey qabanqaabadda shirka. Waxaana la go’aansaday in shirka lagu qabto Eldoret, arrimo la xiriira amaanka, dhaqalaha iyo xushmaynta madaxweynaha oo reer Eldoret ah. Bartamihii sannadkii 2002-ka, ayaa Afey ugu tegay Shaati Gaduud degmada Waajid, si uu ugu martiqaado shirka Eldoret. Dood dheer ka dib Afey waxa uu ku qanciyey Shaati Gaduud in uu raaco, ka dibna waxa uu la kulmay madaxweynaha Kenya. Moi ayaa yiri: “Waxaan rabaa in aad igala shaqayso sidii Soomaaliya dawlada loogu dhisi lahaa, sannadka ayaan xukunka ka degayaa, oday Afrikaan ah baan ahay, derisna waa nahay, marka dib-u-heshisiinta iyo nabada igala shaqee”. Shaati Gaduud ayaa mahadcelin ka dib yiri: “Odey Afrikaan ah ayaad tahay, waxaad ku amaanan tahay martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, …. waxaan metalaa bulshada RRA, waxaan ku jirnaa dagaal, waqti aan nabad iyo dawladnimo ka shaqeeyo ma joogo, waxaan rabaa in aan deg deg u noqdo, waxaan rabaa in aad na siiso hub, saad, shidaal iyo dhaqaale aan isku difaacno.. “Afey waxaa ku adkaatey tarjumida hadalkaas, xooga ayuu aamusay oo waxa uu u sheegay Shaati Gaduud in hadalku adag yahay. Shaati Gaduud inta uu carooday ayuu yiri: “…Adigu fariintayda gudbi”. Moi oo dareen galay ayaa yiri: “maxa dhacay?… ma ku hadli karaa af Ingiriiska…. “Shaati Gaduud ayaa yiri: “Maya, kuma fiicni ku hadalka Ingiriiska”. Ugu dambeyntii Afey waxa uu tarjumay hadalkii Shaati Gaduud. Moi ayaa cabaar aamusay, ka dib waxa uu yiri: “Anigu waxa aan rabaa nabad, kuuguma yeerin in aad dagaal gasho, waxa aad ka cabanayso waxaa lagu sixi karaa hanaan dawladeed, in dawlad la helo waa muhiim, waan og nahay in Soomalidu is dagaasho, xalku waa dawlad xoog leh oo xalisa khilaafaadka”. Ka dibna, Shaati Gaduud waa uu aqbalay, waxaana lagu qanciyey in wixii uu ka cabanayo uu ka sheegto shirka.

Shirkii waxa uu furmay Oktoobar 2002, hase yeeshee muran xoogan ayaa ka dhex socday shirka, taas oo ay sabab u ahayd Itoobiya oo taageeraysa hoggaamiye kooxeedyada. Sidoo kale, shirku ma lahayn qorshe cad oo lagu socodsiiyo. Kaftankii Afey iyo Musafeeni (Museveni), ayaa Afey ka codsaday in Musafeeni la hadlo hoggaamiye kooxeedyada, madaama uu yaqaano afka jabhadaha. Ugu horeyna shirka waxaa lagu saxiixday xabad joojin. Afey waxa uu mar kale nasiib u helay in uu Kenya ku melato shirkii Qaramada Midoobay ee 2002-dii. Qoraagu waxa uu sheegay in isaga oo sita baasaboor diblimaasi ah (Diplomatic Passport) oo wafti hoogaaminaya, si adag loo hubinayey dal-ku-galkiisa, lana weydiiyey inuu Soomaali yahay. Sidaas darteed, qoruhu waxa uu hoosta ka xariiqay in qofka Soomaaliga ah meel kasta lagu weydiinayo su’aalaha la weydiiyey. Arrinta kale ee xusida mudan, waxa ay tahay in iyaga oo afar Soomaali ah (Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya) ay isku afgaran waayeen ka hadalka arrinta Soomaaliya, ka dibna ay go’aan ku gaareen in ay IGAD go’aan ka gaarto arrimaha Soomaaliya. Markii uu dhammaday shirka Qaramada Midoobay, Afey waxa uu dalka Faransiiska kula kulmay madaxweyne Moi, iyaga oo iska xog wareystay doorashadii Kenya. Afey waxaa loo soo bandhigay in uu wax ka dhiso Uhuru, iyo in uu la shaqeeyo raga ay ka mid yihiin Ruto oo uu Moi u gardaadinayo madaxnimada Kenya. Sidoo kale, waxa loo balan qaanday in la siinayo xildhibaan oo aan xisbiga gudihiisa lagala tartamayn. Taas oo burtay, ka dib markii odayaal Soomaali ah ay ku cadeediyeen in xildhibaan kale la siiyo warqada, iyaga oo welwel ka qabay in Afey haddii uu xildhibaan helo, uu si toos ah u qaadanayo wasiirka Waqooyi Bari. Mar kale ayaa Afey lagu qanciyey in la siinayo xildhibaanada ay xisbiyadu soo xulaan iyo wasiir si uu ula shaqeeyo xisibiga KANU. Afey waxa ay ku keentay ciilqab iyo niyad jab, ka dib markii looga baxay balantii labaad. Shir jaraa’id ayuu gurigiisa ku qabtay, kaas oo uu ku sheegay inuu ka baxay xibiga KANU, wuxuuna dhaleeceeyey xisbigii guuldareystay. Boggaga hore ee wargeysyadii ka soo baxayey Kenya ayaa lagu qoray warkaas. Arritaasi waxa ay Afey siisay fursad siyaasadeed iyo taageero uu ka helo dadka Soomaaliyeed. Xisbigii talada dalka Kenya qabsaday ee NARC ayaa aad ula dhacay war-saxaafadeedkii Afey, taas oo keenay in madax sare oo ay horey u soo wada shaqeeyeen iyo kuwo ay aqoon isku lahaayeen oo ka tirsan xisbiga talada haya ay ka codsadeen inuu la shaqeeyo, taas oo uu aqbalay. Sidoo kale waxa Afey talo laga weydiiyeen cida loo xilsaarayo shirkii Eldoret oo muddo jiitamayey. Xog waran ka dib, waxa uu Afey soo jeediyey in Danjire, Kiblagat (Kiplagat) oo ahaa rug-cadaa ku waanagsan xallinta khilaafaadka laga dhigo ergayga shirka. Markii la magacaabay Kiblagat, waxa uu shirkii u raray Mbagathi. July 2003, ayaa loo sheegay in loo magacaabay safiirka dalka Soomaaliya. Ka dibna waxaa loo xaqiiyey magacaabistiisii, taas oo lagu doortay in Soomaalida la tuso sida ay Kenya daacad uga tahay iyo ergaygii shirka oo fahmi waayey Soomaalida. Afey waxa u aqbalay jagadii loo magacaabay, waxase uu caqabad kala kulmay Danjire Kiblagat oo saamayn weyn ku lahaa wasaaradda arrimaha dibada oo curyaamiyey shaqadii safaarada, iyo dawlada Itoobiya oo ka xumayd in qof Soomaali ah loo magacaabo arrimaha Soomaaliya iyo Afey oo ay horey ugu barteen shirkii Carta. Waxaa kale oo jirtay in uusan helin xafiis iyo kharash uu ku shaqeeyo mudo lix bilood ku dhow. Maalinta dabaal-dega xoriyada ee Kenya ayuu la kulmay madaxweyne Kibaaki oo uu u sheegay inuusan shaqayn, maadaama aan xafiis iyo hawl socodsiin la siin. Wasiirkii iyo xog-hayaha arrimaha dibada ayaa arrintaas u qaatay dacwad oo ka xumaaday, haseyeeshe waxa ay dhalisay in miisaaniyada, xafiis iyo gaadiid la siiyo safaarada. Arrimaha uu wax ka qabtay waxaa ka mid ahaa samaynta Alien Card, kaas oo Soomaalida sharci-darada ku joogtay Nayroobi ka caawinaysay in ay ku shaqaystaan ama ay wax ku bartaan.

Itoobiya iyo Jabuuti oo la kala safnaa kooxaha siyaasada Soomaaliya ayaa sababay in uu shirkii socon waayey. Marar badan ayaa la kala jiiday labada safiir ee Itoobiya iyo Jabuuti, oo weliba asal ahaan Soomaali ahaa. Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa kula taliyey Afey in uu shirka wax ka qabto, kaas oo ay Itoobiya faragelin qaawan ku hayso. Afey waxa uu Safiirada Itoobiya iyo Jabuuti ku yiri: “Waxa aynu nahay Soomaali, mustaqbalka Soomaaliya ayaa meesha looga tashanayaa, ee meesha aan ka saarno danaha dawladaha aan ka socono”. Dhinaca kale, waxa jiray qaar ka mid ah ergada oo Afey ku eedeeyey inuu dhinac la safan yahay. Xaaladda shirka ayaa cakirantay, hawl-wadeenadii shirku waxa ay Kibaaki talo ku siiyeen in shirka dhiig cusub lagu shubo oo la marti-qaado madaxda IGAD. Waxaa adkaatay sidii madaxweyne Cabdiqaasim loo gaarsiin lahaa casumaada, ka dibna Kibaaki waxa uu ku amray Afey in uu Muqdihso tago. Waxaa safarkii ka baaqday afar qof oo Kiinyaati ah oo raaci lahaa, dhammaantood waxa ay u hareen cabsi ay ka qabaan tegista Muqdisho. Mid ka mid ahaa waxa uu yiri: “Markaan xalay xaaskayga u sheegay in aan Muqdisho tegayo, matag ayey bilowday..”. Arrintaas ka dib, Afey labo wasiir oo ka tirsanaa dawladii Cabdiqaasim ayuu ka codsaday in ay raacaan, kuwaas oo aqbalay. Afey hooyadiis oo ka welweshay safarka Muqdisho ayaa ugu ducaysay “Safar Salaama”, ka dib markii uu ku qanciyey in uu u socdo dan Soomaaliyeed, uuna yahay wiil Soomaaliyeed, haddii uusan qaban shaqadaasna aysan jirin cid kale oo qabanaysa. Maxamed Qanyare oo uu horey ula soo hadlay ayaa garoonka Dayniile ku soo dhoweeyey, kuna soo daray ciidan geeya Hotel Saxafi. Marka hoteelka loo wada waxa hortiisa ka dhacay dagaal ay labo kooxood isku horfadhiyaan. Isla habeenkii waxa uu la kulmay madaxweyne Cabdiqaasim oo dood dheer ka dib ka aqbalay in uu shirka tago. Suxbadiina waxa uu Danjire Afey u gudbay magaalada Kismaayo, si Bare Hiraale ugu casumo ka qayb-galka shirka.

7-dii Janaayo 2004, ayaa shirka la furay, ka dib markii madaxdii la marti-qaaday ay wada yimaadeen. Ka hor inta aysan soo gelin madaxdii IGAD, ayaa Xuseen Caydiid qaatay warqadii uu ku qornaa magacii Madaxweyne Cabdiqaasim iyo calanka Soomaaliya ee maamuus ahaan loo hor dhigay kursiga loogu talo galay madaxweynaha Soomaaliya. Cabdiqaasim ayaa si weyn uga carooday markii dhacdadaas loo sheegay, wuxuuna markiiba sheegay inuu noqonayo, oo uusan joogi karin meel lagu bahdilayo. Danjire Afey waxaa la yaraaday dhulkii, isaga oo dareemaya dhibtii uu ka soo marey keenista Cabdiqaasim. Hase yeeshee waxa uu markiiba ku qanciyey Cabdiqaasim in uu arrinta si deg deg u xalinayo. Markii uu ogaaday in Xuseen Caydiid uu qaatay calanka iyo warqadii magacu ku qornaa, waxa uu Danjire Afey u sheegay Xuseen in uu soo celiyo, hase yeeshee Xuseen waa diiday inuu keeno. Danjire Afey, amar ayuu ku siiyey askartii la socotay inay shaqadooda qabsadaan, isaga oo kula hadlay afka Sawaaxiliga, ka dibna Xuseen si deg deg ayuu u soo celiyey calankii iyo warqadii, isaga oo ku ganuunacaya: “Maxaad ninkaas nooga daba wadaan, madaxweyne nooma aha…”. Sidaas ayuu Danjire Afey ku maareeyey dhacdadaas aadka u xanuujisay. Madaxdii shirka ka hadashay ayaa la dardaarantay ergada, hase yeeshee weli shirku ma degin, oo waxa uu muran ka jiray sida loo wada hadlayo, iyo meesha wax laga soo bilaabayo.

Mar kale ayuu shirkii socon waayey, ka dibna wasiirka arrimaha dibada ayaa Danjire Afey weydiiyey sida lagu xalin karo arrimaha taag-taagan. Danjire Afey waxa uu ku taliyey in la wada hadal siiyo Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf oo kala hogaamiyaan labada dhinac ee isku haya siyaasadda.

Kulankii Cabdiqaasim iyo Cabdulaalhi Yuusuf

Markii la isku raacay in lawada hadalsiiyo labada hogaamiye, Danjire Afey waxa uu 10/01/2004 si deg deg ah ula kulmay Cabdiqaasim. Danjire Afey waxa uu Cabdiqaasim ku yiri: “fariin ayaan kaaga wadaa wasiir (Kalonzo) ….. anaga (Kenya) waan rogrognay caqabadaha shirka haysta, xaajada meesha talana waxa ay u dhaxaysaa adiga (Cabdiqaasim) iyo Cabdullaahi Yuusuf, waxa aan rumaysanahay haddii labadiinu aad wada hadashaan in uu shirku dhaqaaqayo. Maxay kula tahay adiga iyo Cabdullaahi Yuusuf haddii aan caawa casho idiin samayno”. Cabdiqaasim oo soo dhoweeyey arrinta ayaa yiri: “Raali ayaan ka ahay ee Cabdullaahi Yuusuf ma ogolaanayaa, …ileen Itoobiya ayaa meesha ku jirtee?” Danjire Afey markii uu Cabdullaahi Yuusuf u sheegay fariintii wasiiraka arrimaha dibada ee Kenya, waxa uu Cabdulaahi Yuusuf ku jawaabay: “Aniguba sidaas ayaan aaminsanhay, ee Cabdiqaasim ma ogolaanayaa in uu ila kulmo”.

Labadii hogaamiye ayaa isugu geeyey gurigii wasiirka arrimaha dibada ee Kenya (Kalonzo), iyaga oo lagu soo kala qaaday labo baabuur, oo isku mar la keenay si uusan midkoodna uga shakin in loo shiray. Wasiir Kalonza ayaa hadalkii furey oo ka sheekeeyey xiisada siyaasadda ee Kenya, si loo sameeyo gogoldhig. Bilowgii hore labada hogaamiye isma salaamin, isma eegi karin. Kalonzo ayaa yiri: ”Labadiina odey waxaan idiin ku yeernay, shirka dib u heshiisiinta mudo ayaan wadnay, waxaa galay hakad, markaan qiimeynay arrinta, waxaa noo soo baxday in aad labadiinu wax ka qaban kartaan arrinta shirka, hawshaas in aad fududaysaan, kana talo bixisaan sidii shirku ku socon lahaa”. Ka dibna Cabdiqaasim oo hadalka qaatay ayaa si kooban u yiri: “Aniga iyo Cabdullaahi waa wada hadlaynaa”, ka dibna Cabdulaahi Yuusuf ayaa sidii oo kale yiri. Meel labo qof ku wada hadli karto ayaa laysugu geeyey odayaashii. Mudo hal saac ka badan ayey wada hadlayeen, Cabdiqaasim ayaa hadalka ku bilaabay: “Dawladii Siyaad Bare, adiga iyo kuwo kula mid ah ayaa riday, dhibaatada aan aragno ayaa nagu dhacday, dawlad la’aan ayaan nahay dhawr iyo 10 sanno, Soomaaliya god ayey ku dhacday, hadda oo aan dawlad yar nahay oo caalamku na aqoonsaday, adiga ayaa dabada na haysta, … maxaa kugu diray dawladnimada Soomaaliya?” Cabdullaahi ayaa yiri: “Horta dawladii Siyaad Bare, Soomaali oo dhan baa isugu tagtay oo riday, wax aan keligay mas’uul ka ahay ma ahayn, cid Soomaali ah oo aan la dagaalamin ma jirto. Haddaan ogahay in xaaladu sidaas noqonayso lama dagaalameen, waxaan is lahaa iska bedela keligii taliyaha dalka haystay. Adiga hadda waxaa kugu dhegan waa Hawiyaha Xamar jooga, kuwaas ayaad kari la’dahay in aad dawladnimada ku qanciso, …. ee anigu Garoowe ayaan joogaa oo dhib kuguma hayo”. Cabdiqaasim ayaa hadalkii dhexgalay oo yiri: “Adiga iyo kuwa aad sheegayso ee Xamar jooga ayaa Itoobiya u tegay, si loo burburiyo dawladnimada”. Cabdullaahi ayaa yiri: “Meesha waxba kama qaban kartide, waad ku fashilantaye, aan dawlad cusub dhisno”. Cabdiqaasim ayaa ku warceliyey: “Ma xuma, aan ka tago xilkeyga, balse doorasho ha la galo oo nidaam ha la igu bedelo, iska tag war ma aha, …. shirkan aan fadhino aan xoojino oo heshiis gaarno”. Waxa uu kusii daray: “Musharax ayaan ahay, ee ma balan qaadaysaa haddii aan ku guuleysto, in aadan qori dambe qaadan oo aad ila shaqayso”. Cabdullaahi ayaa yiri: “Waan balanqaadayaa in aan kulo shaqaynayo, ee aniguna musharax baan ahay ee haddii aan doorashada ku guulaysto, ma balanqaadaysaa in aad ila shaqayso”. Cabdiqaasim ayaa yiri: “haa, waan balan qaadayaaye, ee aan ka heshiino qodobada aan isku hayno”. Inta doodani socoto Danjire Afey iyo Kalonzo dooda ayey si dhow ula socdaan. Danjire Afey markii uu maqlay doodaas, qosal ayuu la dhacay, ka dibna, waxa uu u sheegay Kalonzo in ay odayaashu isfahmeen, ka dib markii Kalonzo uu weydiiyey waxa uu ku qoslay. Kalonzo, ayaa yiri: “Sidaan rabnay weeye, shirku waa inoo soconayaa…” Ka dibna shirkii waxa ku soo biiray Kalonzo iyo Danjire Afey. Cabdiqaasim ayaa ku bilaabay haddalkii: “Waan heshiinay aniga iyo Cabdullaahi, ee aan shirka balaarino oo aan ku soo darno saxiibada labada dhinac, …. anigu waxa aan u yeerayaa raysul wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf”. Cabdulaahi ayaa yiri: “Aniguna waxa aan u yeerayaa Maxamed Qanyare”.

Kulankii labaad, Cabdiqaasim ayaa sheegay ceebta haysata iyo sida wax looga sugayo, waxa uuna ku taliyey in qodobada laysku hayo laga doodo, kuwaas oo ahaa: (1) Dastuurka, (2) Muddo xileedka, (3) Caasumada, (4)Xulista Baarlamaanka, (5) Afka dawlada iyo (6) Arrinta Soomaliland. In kasta oo ugu dambayntii laysla gartay qodobada sare, haddana waxaa ay dood dheer ka jirtay, nooca dawlad nimada (Dawlada dhexe mise faderaal). Maxamed Qanyare oo doodaas ka dhex muuqday ayaa ku taliyey in tirada baarlamaanka laga dhigo 275 (Carta 245), iyo in go’aanka laga gaaray ay dawlada Kenya u soo jeediso ergada oo ay ka dhigto mid ay dawlada Kenya soo hindistay, si aan loogu arag go’aan ay gaareen afar qof. Taladaas ayey dawladii Kenya qaadatay, ka dibna wasiir Kalonzo iyo Danjire Afey, waxa ay la kumeen, ergadii SRRC, oo sidii lagu taliyey ayey hadalkii ugu soo jeediyeen. Waxay ergadii SRRC weydii waxa ay la tahay. Aamus kooban ka dib, Cabdullaahi Yuusuf ayaa yiri: “War bal waxaad soo malmaluuqdeen ku celiya”, Ka dib markii lagu celiyey ayuu mahadcelin ka dib yiri: “Aniga macquul ayey ila tahay qodobada aad soo jeediseen, aniga oo Puntland wakiil ka ah waan saxiixayaa”. Qanyare oo ku xigsaday ayaa yiri: “Alaylehe meesha waan ku daalnay, waan ku caajisnay, sida aan nahay, ma sii eegan karno, waxa ay keentay dawlada Kenya waa macquul, waan qaatay waan saxiixayaa”. Ka dibna arrintu waxa ay noqotay tusbax furtay oo ergadii SRRC way wada saxiixeen. Markii lala kulmay ergadii dawlada ku-meel-gaarka ahayd, ee sidii oo kale warka loogu soo jeediyey, ayuu Cabdiqaasim yiri: “Soomaali ayaan u danaynaynaa oo waa idinla qaadanay soo-jeedintiina, waadna ku mahadsan tihiin dadaalka aad bixiseen”, waxa uu armay in la saxiixo. Qodabadaasi waxa ay noqdeen axdi qarameedkii lagu heshiiyey.

Waxaa lagu heshiiyey in baarlamaanka loo soo xulo hab-beeleed (4.5), waxaana la dhisay gudiga khilafaadka. Hogaamiye kooxeedyada ayaa doonay in ay xildhibaan helaan ama ay qof keensadaan. Tan kale waxaa dhacday in salaadiin magac-u-yaal ah lagu caano shubo, si ay u saxiixaan kurisga xildhibaanka. Qoruhu waxa uu sheegay in beelaha Dilig-Mirifle iyo Dir ay si hufan u soo xuleen xildhibaanadoodii, halka beelaha Daarood iyo Mogadishu Clan ay u adkaatay xulista xildhibaanada. Tusaale ahaan, Hartiga (Daarood), waxa ku legdamayey Cabdullaahi Yuusuf iyo Galayr, halka ay Bare Hiiraale, Maxamuud Siyaad iyo Biixi ay ku hardamayeen xildhibaanda beesha Mareexaan. Dhinaca Absamaha (Darood) waxaa iyana ka jiray muran xoogan. Dhinaca, Hawiyaha, waxaa awood badan lahaa hogaamiye kooxeedyada hubaysan. Sidoo kale, qoruhu waxa uu sheegay in hoogaamiyaasha siyaasadu ay diidanaayeen in dadka aqoon-yahanka ah laga dhigo xildhibaano, isaga oo tusaale u soo qaatay, in Mawliid Macaane diidanaa in Dalxe uu xildhibaan noqdo.

Qoruhu waxa uu la yaabay dhacdadii ugubka ahayd ee ku saabsanayd in koox Soomaali ah oo sheeganaysa in ay Kiristaan yihiin, kuwaas cabasho u gudbiyeen Danjire Kiblagat iyo kooxdii keenyanka ahaa ee la shaqaynaysay. Kiblagat iyo kooxdii la shaqaynaysay waxa ay u muujiyeen caadifad, waxa ayna miiska soo saareen dood ah in ay kooxdaasi tahay kuwo diin ahaan looga tiro badan yahay, oo loo baahan yahay in ay helaan xaqooda. Doodaas waxaa lagu soo afjarey in ay xaqooda ay ka doontaan qabiilada ay ka dhasheen, maadaama hab-beeleed wax lagu qaybsaday.

Bishii Agoosto 22, 2004 ayaa la dhaariyey xildhibaanadii la soo xulay. Sheekada xiisaha leh waxa ay ahayd markii shiikhii dhaarinayey xildhibaanada, uu kitaabkii dhigay oo uu isaga baxay shirkii markii loo yeeray xildhibaanadii ay isku reerka ahaayeen, isaga oo sheegay in xaq daro lagu soo xulay oo uusan dharinayn. Arrintaas waxa ay wax u dhintay hab socodkii shirka, ka dibna Danjire Afey si deg deg ah ayuu ugu yeeray nin Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalihii xafiiska ergaya shirka (Kiblagat), ka dibna wax uu u sheegay in uu dhaariyo xildhibaanada, sidaas ayaana lagu dhaariyey xildhibaanadii dhimanaa.

Markii xildhibaanadii la dhaariyey waxaa bilowday is xulufaysi iyo hardan loogu jiro doorashada. Ugu horeyntii, waxaa la qabtay doorashadii guddoonka baarlamaanka oo ay ku tartamayeen Shariif Xasan iyo Sh. Aadan Madoobe, taas oo dhacday 15/09/2004 uuna ku guulaystay Shariif Xasan. Arrintaasi waxa ay welwel iyo walaac ku riday Cabdullaahi Yuusuf iyo kooxdii SRRC. Hase yeeshee 10/10/2004, ayaa madaxweyne loo doortay Cabdullaahi Yuusuf oo ay la tartameen 5 qof oo uu ka mid ahaa Cabdiqaasim. Xafaladdii caleemo saarka ayuu ka jeediyey khubad soo jiidatay caalamka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisii: “ … Waxaad igu xaman jirteen in aan ahay nin dagaal, maanta laga bilaabase waxa aan ahay nin nabadeed….”.

La soco qaybta labaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this