Deeq A. Posted Tuesday at 11:42 AM Diyaarad rakaaba oo lagu magacaabo Star Sky ayaa maanta ku dhacday xeebta Xalane ee ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda dhacday ayaa ka badbaaday shilka diyaaradeed, sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan. Diyaaad oo markii hore ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa cilad ku timid markii ay muddo 30 daqiiqo gaaraysa hawada ku jirtay, taas oo sababtay in ay dib u soo noqoto, balse markii ay soo degtay ka baxday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan oo ku dhacday dhanka xeebta. Diyaaradu waxay siday rakaab gaaraya 50 qof, waxayna u socotay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida uu sheegay maareeye Axmed Macalin Xasan. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites