Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000132589.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gababta ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa madaxweyne Deni ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ka horeeyay madaxweynaha Jubalanad Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si la mid ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

1000132585-1440x984.jpg

Labada madaxweyne waxay ka qaybgalaan shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo lagu wado in berri ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa ku soo aadayaa, xilliga baarlamaanka federaalka uu wado wax ka baddelka dastuurka oo ka mid ah qodobada ay diidan yihiin Golaha Mustaqbalka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this