Deeq A. Posted 20 hours ago Duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxaa shalay galinkii dambe lagu dilay nabadoon Cali Xasan Jarhaye oo ka mid ahaa waxgaradka gobolkaas. Dilka nabadoon Cali Jarhaye waxaa lala xiriirinayaa aano qabiil iyo isku dhac beeleed oo dhawaan ka dhacay deegaanka Roox ee gobolka Mudug. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa nin sumcad ku dhex leh bushada, waxaana dhacdada lagu dilay aad ugu xumaaday bulshada gobolka Mudug. Gobolka Mudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga iyo kalsoonida bulshada. Puntland oo marar badan sheegtay in ay wax ka qabanayso dadka geysta dilalka aanooyinka qabiilka ayaa weli qaadin wax tallaabo ah oo arrintaas la xiriirta. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites