Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay caqabada hortaagan qabsoomida shirka Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000132740-1440x1080.jpg

Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa isku fahmi la’ goobta uu ka dhacayo shirka ay doonayaan in ay yeeshaan labada dhinac.

Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay doonayaan in shirku uu ka dhaco gudaha xerada Xalane, halka madaxda Dowladda Federaalka rabto in uu ka dhaco gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaallo ay isugu soo dhawaynayso labada dhinac, si ay heshiis uga gaaraan goobta uu ka dhacayo shirka.

Dhanka kale madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa maanta Muqdisho ku leh kulamo gooni gooni ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidoo kale waxaa xalay shir yeeshay Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlay arrimaha shirka, iyada oo la sugayo xubno ka tirsan golaha oo weli ka maqan dalka.

Sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa in ay kulmaan Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaannada labada aqal ee diiddan wax ka beddelka dastuurka, kulankaas oo ay diiradda ku saari doonaa qorsheynta tallaabooyin siyaasadeed oo ay qaadoonaan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this