Deeq A. Posted 17 hours ago Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa isku fahmi la’ goobta uu ka dhacayo shirka ay doonayaan in ay yeeshaan labada dhinac. Golaha Mustaqbalka oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay doonayaan in shirku uu ka dhaco gudaha xerada Xalane, halka madaxda Dowladda Federaalka rabto in uu ka dhaco gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa wada dadaallo ay isugu soo dhawaynayso labada dhinac, si ay heshiis uga gaaraan goobta uu ka dhacayo shirka. Dhanka kale madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa maanta Muqdisho ku leh kulamo gooni gooni ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidoo kale waxaa xalay shir yeeshay Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlay arrimaha shirka, iyada oo la sugayo xubno ka tirsan golaha oo weli ka maqan dalka. Sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa in ay kulmaan Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaannada labada aqal ee diiddan wax ka beddelka dastuurka, kulankaas oo ay diiradda ku saari doonaa qorsheynta tallaabooyin siyaasadeed oo ay qaadoonaan. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites