Deeq A. Posted 13 hours ago Wasiir dowlaha wasaarada gaashandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya xildhibaan Cumar Cabdi Cali oo weheliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay markabka TCG SANCAKTAR, oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda Turkiga. Markabkan dagaal iyo maraakiib kale oo Turkigu leeyahay oo yimid ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ka qaybqaadanayaan dhismaha iyo tayaynta ciidanka badda iyo difaaca xeebaha oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka. “Booqashadan iyo soo dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta ciidanka badda iyo difaaca xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Dowladda Turkiga waxay dhawaan magaalada Muqdisho keensatay diyaaradaha dagaalka ee F-16, kaas oo lagu arkay iyaga oo kacaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Turkiga wuxuu magaalada Muqdisho ku leedahay saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, sidoo kale wuxuu shidaal baaris ka wadaa xeebaha koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Turkiga uu dhawaan xarun Dayax -gacmeed ka hirgalin doono Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Soo dhaweyntan markabkan dagaal waxaa qaybgalay safiirka dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya, wasiiru dowlaha dekeda iyo gaadiidka badda xukuummada federaalka Soomaaliya, kaaliyaha guud ciidanka xoogga, taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha iyo saraakiil kale. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites