Deeq A. Posted 13 hours ago Soomaaliya ayaa loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani tahay guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah iyo astaan muujinaysa dib-u-soo kabashada kaalinta Soomaaliya kaga aaddan saaxadda diblomaasiyadda qaaradda iyo tan caalamkaba. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in ay doorashadan ka tarjumayso kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay in go’aankeedu yahay horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadal wax ku ool ah oo ka hanaqaada guud ahaan qaaradda Afrika. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites