Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku guuleysatay doorasho taariikhi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
1000132921-1440x1080.jpg

Soomaaliya ayaa loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani tahay guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah iyo astaan muujinaysa dib-u-soo kabashada kaalinta Soomaaliya kaga aaddan saaxadda diblomaasiyadda qaaradda iyo tan caalamkaba.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in ay doorashadan ka tarjumayso kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay in go’aankeedu yahay horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadal wax ku ool ah oo ka hanaqaada guud ahaan qaaradda Afrika.

1000132947.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this