Deeq A. Posted 9 hours ago Soomaaliya ayaa loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddada 2026–2028, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani tahay guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah iyo astaan muujinaysa dib-u-soo kabashada kaalinta Soomaaliya kaga aaddan saaxadda diblomaasiyadda qaaradda iyo tan caalamkaba. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in ay doorashadan ka tarjumayso kalsoonida iyo aaminaadda ay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u muujiyeen Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay in go’aankeedu yahay horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadal wax ku ool ah oo ka hanaqaada guud ahaan qaaradda Afrika. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites