Deeq A. Posted 8 hours ago Cabdinaasir Maxamed Yuusuf (Buraale) ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee xarunta cilmi-baarista Puntland ee PDRC, sida ay shaacisay xarunta. ”Waxaan ku faraxsanahay inaynu shaacinno in guddiga la-talinta ee xarunta PDRC ay si rasmi ah u magacaabeen Cabdinaasir Maxamed Yuusuf inuu noqdo gaasimaha cusub ee fulinta ee xarunta PDRC” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xarunta. Agaasimaha cusub wuxuu muddo dheer ka tirsanaa xarunta, isaga oo markii ugu dambeysay ahaa agaasime ku-xigeenka xarunta. Magacaabista Buraale ayaa timid kaddib markii uu bishii Oktoobar ee sanadkii hore geeriyooday agaasimihii xarunta Cali Faarax Cali (Farmayeeri). PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites