Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni: Muqdisho kama tagayno illaa laga heshiiyo doorashada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
1000133414-1440x810.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa shaaciyay in aysan magaalada Muqdisho ka tagi doonin illaa heshiis laga gaaro khilaafka doorashada dalka.

Madaxweyne Deni oo ka hadal ka jeediyay kulan ay yeesheen Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa yiri “halkan kama tagayno illaa dalka aan jid sax ah qaadsiino, waxa kale ee la hayo waa hadal, wax kasta oo la malmaluuqo oo aan loo midaysnayn ma shaqayn doonaan”.

Sidoo kale madaxweyne Deni oo dhaliilay xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda beesha Mogadishu Clan waxa uu yiri “xildhibaanadii Mogadishu Clan ee 2021-kii meeshaan nagu jiir jiiri jiray meel ay aadeen ayaan garan waayay, Xamar idinkagama tagayno ee waan idinku qabsanaynaa”.

Hoos ka daawo khudbada madaxwene Deni oo dhameystiran.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this