Deeq A. Posted 6 hours ago Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka magaalada Muqdisho ku fulisay xukunnadii dilka ahaa ee ay horey ugu ridday Cabdi Cabdiqaadir Maxamed (Xuseen) iyo Farxaan Maxamuud Cabdinuur Aadan (Xasan). Labadan nin, oo loo haystay dambiyo culus oo ka dhacay caasimadda, ayaa lagu helay inay si bareer ah u dileen afar muwaadin oo Soomaaliyeed, taas oo keentay in Maxkamadda Darajada 1-aad ay ku riddo xukun ah dil toogasho ah oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyey. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maxkamadda, Cabdi Cabdiqaadir iyo Farxaan Maxamuud ayaa mid kastaaba gacantiisa ku dilay laba qof, taas oo tirada guud ee dhibbanayaasha ka dhigaysa afar qof. Ka dib markii la dhammaystiray hannaankii racfaanka iyo baaritaannada dhabta ah, waxaa lagu go’aamiyey in la fuliyo xukunkii caddaaladda si loogu tusaale qaato loona samata-bixiyo nafta muwaadiniinta kale ee rayidka ah. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites