Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: 50 qof oo ka badbaaday diyaarad ku dhacday Garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Star Sky, taas oo u socotay magaalooyinka Guriceel iyo Gaalkacyo.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen rakaab tiradoodu gaarayso 50 qof ayaa soo dhacday xilli ay markaas uun isku dayaysay inay hawada gasho, waxaana goobta si degdeg ah u gaaray baabuurta dab-damiska iyo kooxaha gurmadka ee garoonka.

​Mas’uuliyiinta shirkadda Star Sky ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay nabad qabaan, iyadoo aaney jirin wax khasaare nafo ah oo ka dhashay dhacdadan.

In kastoo diyaaraddu ay burbur la kulantay, haddana gurmadka degdegga ah ee lala gaaray ayaa ka hortagay in xaaladdu ka sii darto.

Waxaa hadda socda baaritaanno ay sameynayaan mas’uuliyiinta duulista hawada si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddu ay soo dhacdo ka hor inta aysan si buuxda u kicin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this