Sign in to follow this  
General Duke

Balcad: fighting between Al Shabaab Clan Courts : utter failure... Al Shabaab lost

Recommended Posts

[balcad: Ciidamada Al- Shabaab & Maxkamadaha oo dagaal toos ah ka dhex bilowday.

19. oktober 2008

 

 

Balcad(AllPuntland)- War deg deg ah oo AllPuntland ka soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray goor dhaw oo uu hada ka dhex socdo dhinacyada ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna dagaalkaasi ka socdaa degmada Balcad.

 

Ururka Al- Shabaab ayaa lasheegay in ay saakadii hore dhaqdhaqaaqyo ciidan ku bilaabeen degmada Balcad ayna talaabadaasi ka biyo diideen Maxkamadaha ayaguna la dagaalama dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayagoo ay dagaaladaasi geysteen khasaare dhimasho & dhaawacba oo kala gaaray dhinacyada ay dagaaladu udhaxeeyeen.

 

Hadal hayeen uhadlay ururka Al- Shabaab ayaa sheegay in dagaalka lugu soo qaaday dhinacooda ayna iska difaaceen dagaaladaasi, wuxuuna sheegay in ay ururkoodu mudo badan ka gaabgaabsanayeen dagaalada & hadalada qalafsan ee uga imaanayay dhinaca Maxkamadaha.

 

Afhayeenkam wuxuu sheegay in uu hada dagaalkaasi meel xun marayo, wuxuuna sheegay in aysan ayagu marna raali ka aheyn dagaalada lugu soo qaado ururkooda, wuxuuna sheegay in ay mudo dheer ka soo horjeesteen dagaalo ka dhex bilowda dhinacyada ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Warar faahfaahsan oo ku saabsan dagaaladan goor dhaw ka filo www.AllPuntland.com

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Balcad: Faahfaahin ku saabsan dagaalkii Balcad & Xaalada oo degan maanta.

20. oktober 2008

 

 

Balcad(AllPuntland)- Shalay galinkii dambe dagaal xoog leh ayaa ka dhex qarxay Ururka Al- Shabaab & Maxkamadaha oo labaduba ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna dagaalkaasi ka bilowday degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe oo ujirta Magaalada Muqdishio 30KM.

 

Dagaalkaasi ayaa cida qaaday aan wali laheyn balse Ururka Al- Shabaab ayaa lasheegay in ay galinkii hore ee shalay magaaladaasi ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, kuwasoo umuuqanaya Kuwa ka soo horjeeda dhinac kale.

 

Dhaqdhaqaaqyadaasi ayaa ugu dambeyntii keenay in uu qarxo dagaal qaraar oo labada dhinac dhexmara, waxaana dagaalkaasi ku dhintey Labada dhinac 11 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan intaasi inkastoo ay jiraan warar intaasi ka badanaya khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

 

Ogaanshaha xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha ayaa ah mid adag oo aan cidna sheegi karin, taasoo sabab u ah dhinacyada dagaalamay oo aan qiran waxyaabaha kala gaaray & Ururadan oo aan looga baran sheegida khasaaraha dhinacyadooda gaara markii uu dagaal dhaco.

 

Goobjooge ku sugan degmada Balcad ayaa sheegaya in uu indhihiisa saaray baabuur ciidan oo ay leeyihiin Maxkamadaha oo soo gaartay degmada Balcad, kuwasoo umuuqday kuwa hiilo ah ama Gurmad waxaana ay gacansiiyeen Maleeshiyaadkii ka soo horjeeda Al- Shabaab.

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale Ururka Al- Shabaab ay gurmad udireen degmada Balcad, si ay uadkeeyaan difaacooda hadii markale laysku dayo dagaal ka yimaada dhinac ka soo horjeeda ama dagaalada oo qarxa.

 

Xaalada saaka ee degmada Balcad ayaa degan waxaana Magaaladaasi laga dareemayaa in uu dib ufurmay dhaqdhaqaaqii ganacsiga sida ay ku waramayaan Wararka laga helayo Magaalada Balcad, inkastoo ay wali jiraan xiisado dagaal oo laga cabsi qabo.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia’s Islamist guerrillas battle each other, two killed

20 Oct 20, 2008 - 10:07:13 AM

 

BAL'AD, Somalia Oct 20 (Garowe Online) - Islamist rebels fighting against Somalia's interim government battled each other Sunday in the town of Bal'ad, which is located 30km north of the national capital Mogadishu, Puntland-based Radio Garowe reported.

 

The violence erupted in the western outskirts of Bal'ad town where the Islamic Courts militia set up a security checkpoint earlier in the day.

 

Local residents told Radio Garowe that a band of guerrillas loyal to Islamist opposition group al Shabaab attacked the checkpoint, sparking a bloody battle that killed at least two fighters and wounded eight people including civilians.

 

The Islamic Courts fighters withdrew only to return during the evening, when a second round of fighting over control of the checkpoint erupted and al Shabaab guerrillas withdrew.

 

"Gunmen shot directly at a vehicle transporting al Shabaab last night," said a witness in Bal’ad who did not want his name in print, saying most businesses were closed due to the violence.

 

The situation was reportedly calm but tense Monday, as Islamic clerics and traditional elders sought to diffuse the potentially dangerous state of affairs.

 

Bal'ad, and all of Middle Shabelle region near Mogadishu, has been under the control of Islamist armed groups since April.

 

Islamist insurgents have largely fractured since being ousted from power in December 2006 by Ethiopian-backed government troops, with a pro-peace faction led by Islamic Courts executive head Sheikh Sharif Sheikh Ahmed based in Djibouti.

 

Other militant groups, like al Shabaab, have rejected the peace process and refused to recognize the UN-endorsed transitional government in Mogadishu.

 

Nearly 10,000 people have been killed in the Somali insurgency so far, according to local human rights groups.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Shabaab iyo Maxkamadaha oo dagaalamay

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 19-Oktober-08

 

 

Waxaa maanta degmada Balcad ka dhacay dagaalkii ugu horeeyay ee si toos ah u dhex mara garabyada Al-Shabaab iyo Maxkamdaha, kuwaasoo iska dilay inta la og yahay 2-ruux halka ey dhaawecuna kor u dhaafayo sida la sheegay toban ruux.

 

Warar ku dhow-dhow oo aanu ka heleyno mid ka mid ah garabyadan ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkii maanta dhacay uu ahaa mid aad u kululaa islamarkaana ku bilowday si kadis ah.

 

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo loo badinayo in ey ahaayeen kuwa ka tirsan Al-shabaab ey soo galeen deegaankaasi iyadoo aan laga war qabin islamarkaana dagaalku sidaasi ku bilowday.

 

Ma cada ilaa iyo iminka cida looga awood roonaaday dagaalkii maanta, waxaana wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in uu dagaalku iminka qaboobay islamarkaana kooxdii horay u joogtay deegaankaasi ey wali baaqi ku yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan u dhexeeya labadan kooxood ayaa kusoo aaday xilli ey mudooyinkan dambe ey isdhaafsanayeen weeraro xaga saxaafadda ah, mana jiraan ilaa iyo iminka masuuliyiin ka tirsan labadan garab oo ka hadlay dagaalkii maanta dhexmaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hassan adeer why are they fighting each other in Balcad over road blocks? The fakery of your whole agenda is evident these "islamic" warriors are no more than the same clan militias who used to fight over these things these past 17 years..

 

lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its a local clan issue adeer.

Anyhow this is the very argument of why we need a stronger central government. These clan ****** will turn the country into 1991 turf war..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It does not adeer. this is a local clan militia fighting each other. We hope they use their common sense and stop.

 

Anyhow if the TFG is so bad, why have you yet to get any recognition, you must be even worse lads.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ That the best explanation of the conspicuous absence of the kumeel-gaadh government in the south; too many "local clan issues".

 

Originally posted by General Duke:
We hope they use their common sense and stop.

:D:D Can't the kumeel-gaadh government even ask the Burundi peacekeepers to intervene?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Whos is the hypocrite those who called for the Jihad and now living in Asmara hotels. Those who started to fight a government but now fighting over a village?

 

Adeer Fox news is one thing your laders and your stance is like this dude..

tyrone_biggums.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this