Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo diiday martiqaad uu ka helay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ganafka ku dhuftay martiqaad uga yimid Erdoganka Turkey, iyada oo qorshuhu ahaa in Turkey ay dib u billawdo wada hadalkii fashilmay ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Somaliland ayaa horey go’aan rasmi ah ku joojisay dhammaanba wada hadalladii Soomaaliya.

Somaliland waxay kaloo aaminsan tahay in Turkey aanu dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, ayna soo baxday caddeyn ku filan inuu majaxaabin ku haayey danaha Somaliland.

Isku daygan cusub ayay Ankara ku dooneysaa inay ku shiiqiso dedaalada diblomaasiyaasadeed ee Somaliland ku gaartay caalamka oo sii kordhay, tan iyo wixii ka danbeeyay aqoonsigii dowladda Israel ee 26kii Disembar 2025.

Turkey walaac weyn ayay ku abuurtay in Somaliland heshey aqoonsi maadaama marin biyoodka ugu muhimsan ee Gacanka Cadmeed uu dhaco dhanka #Somaliland, isla markaana qeybo ka mid ah goobaha u Turkey ku haminaayo shidaal boobkiisa ay ku yaallaan dhulka Somaliland.

Israel waa dowlad awood iyo saameynba leh, oo aan awood militari iyo mid diblomaasiyaadeedba ay adag tahay in wax looga qaado, soo gelitaankeeda Geeska Afrikana waxay shar jebisay qabqabtii Erdogan uu ku joogay gobolka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this