Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland intii yarayd ee uu xilka hayay dalka waxa uu gaadhsiiyay meeqaam sare waxana uu ka fogaaday dawarsi

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1769253326680-300x273.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro muddada sannadka ah ee uu caynaanka u hayo Somaliland waxa uu ka qayb galay kulamo Caalami ah sida , Kulankii Wakiilada Adduunka ee Nairobi 2025, shirkii Waddamada Adduunka ee Dubai ka dhacay 2025, shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos ka dhacay 2026, shirka waddamada adduunka ee ka dhacay Dubai 2026. Sidoo kale waxa uu waraysi siiyey Warbaahinta Caalamiga ah sida Sky news Arabic, Reuters iyo The Guardain, isaga oo laftiisuna maqaallo ayuu ku daabacay Warbaahin ay ka mid tahay The Wall Street Journal.

Dhammaanba shirarka, kulamada iyo saxaafadda uu la hadlay ama uu wax ku qoray madaxweyne Cirro waxa uu iska ilaaliyey in uu ka hadlo saddex arrimod.

1: Baahida Somaliland ka jirta iyo in uu dadka waxwaydiisto.

Madaxweyne Cirro mar kasta oo uu la kulmayo wefti caalami ah ama uu ka qayb galayo shir Caalami ah, waxa uu carrabkiisa ka ilaaliyaa in uu ka hadlo baahi Somaliland ka jirta ama in uu sheegto duruuf nololeed oo dadkiisa haysta. Waxa uu hadalkiisa xoogga ku saaraa in uu sheego fursadaha maal gashi ee Somaliland ka jira sida Macdanta, Kalluumaysiga, dekedaha, marinka Berbera iyo Khayraadka kale ee dabiiciga ah. Waxa uu si cad wakiiladii beesha Caalamka ee Nairobi uu kula kulmay uu u sheegay in aanu ugu iman baryo iyo in uu gacanta hoos dhigto si wax loo siiyo balse uu u yimid waxwadaqabsi

Shirarkii u dambeeyey ee Davos iyo Dubia waxa uu labada madaxweynuhu ku cel celiyey fursadaha dalkiisa ka jira iyo maal gashiga waddankiisa ka bannaan.

2: Is beddelka Cimilada.

Qodobka is beddelka cimiladu waxa uu muddooyinkii dambe ahaa qodob ay la soo shir tagaan madaxda reer Afrika kuwaas oo hoggaamiyeyaasha iyo Haayaddaha Caalamiga ah waydiista in laga caawiyo is beddelka Cimilada. Tusaale ahaan madaxweynaha Soomaaliya oo sannadkii hore ka qayb galay shirka loo dhan yahay Qaramada Midoobay waxa uu bulshada Caalamka waydiistay in laga caawiyo abaaraha oo uu ku tilmaamay in ay tahay natiijada is beddelka Cimilada.

Madaxweyne Cirro inkasta oo uu hoggaamiyo Somaliland oo ay abaaro ka jiraan haddana waxa uu meesha ka saaray in uu dunida kala hadlo is beddelka cimilada iyo in lagu caawiyo waxa ay kaga hor tagaan cimilada sii xumaanaysa. Waxana madaxweyne Cirro u muuqdaa in uu dusha kala socdo diidmada madaxweyne Trump ee barmaamijan maadaama oo Trump uu joojiyey maal gelintii la siin jirey arrimaha is beddelka Cimilada adduunka isla markaana uu ka baxay madashii Paris.

3: In laga soo bilaabo taariikhda Somaliland 1991.

Muddo aad u dheer marka Somaliland laga sheekaynayo waxa taariikhdeeda laga soo bilaabi jirey 18 May 1991, markaas oo ahayd maalintii Burco lagaga dhawaaqay in ay Somaliland dib u soo ceshatay madax bannaanideedii 1960.

Madaxweyne Cirro,waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey Warbaahinta Sky news Carabi iyo kuwii ka horreeyeyba waxa uu soo bandhigay in Somaliland leedahay taariikh fac weyn oo ka horraysay 1991. Waxa uu xoogga saaray in uu ka hadlo taariikhdii Somaliland ee ka horraysay 1960-kii. Si gaar ah waa uu Cirro diiradda u saaray midnimada Soomaaliyeed in aanay ahayn Muqdisho iyo Hargeysa balse ay tahay shantii Soomaaliyeed oo isku dhan.

Inqilaabkii fashilmay ee 1961 ay sameeyeen saraakiil u dhalatay Somaliland waxa uu madaxweyne Cirro ku fasiray in ay ahayd doonista Somaliland maanta jirta oo xilligaas la baadi goobayey dib u soo celinteeda.

Dunida waxa uu tusay in Somaliland tahay dal la mid ah Afrikadii kale ee xornimada heshay 1960, iyo in xataa Somaliland ka taariikh horraysay Soomaaliya

Gallaydh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this