Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo looga digay inuu beddalo R/W Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-Xamsa-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay dhaq-dhaqaaqa mucaaradka, isaga oo si gaar ah uga digay qorshe uu sheegay in ay ku doonayaan in lagu beddalo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Cali Cosoble ayaa shaaca ka qaaday in arrintan oo kale ay horay u dhacday, isla markaana ay ku khasaareen madaxweynayaashii sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamse hadduu baxo miyey dowladda iyo mucaaradka heshiinayaan? Bal dulmiga iyo beenta qaawan arka. Warkii mucaaradka ma Xamse ha la baddalo ayuu ku soo aruuray? Filimkaan iney Somali hore u daawatay sow lama ogga? Madaxweyneyaashii dalka soo maray ee qaatay taladii mucaaradka kuna khasaaray sidaana ku waayay xilkii madaxweyne ee ay hayeen waxaa ka mid ah: Cabdulqasim Salad Xasan, Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo” ayuu yiri Cali Cosoble.

Madaxweynihii hore ee Maamul-Goboleedka HirShabelle ayaa xusay in xilligan aan loo baahneyn in meesha laga saaro Ra’iisul wasaaraha, isaga oo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu uusan qaadan talada mucaaradka..

“Waxaa xaqiiqo ah in eysan waqtigan la joogo munaasab aheyn inuu Mad Xasan Shekh Maxamud qaato talada mucaaradka” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Sidoo kale intaas ku daray “Waxaan si buuxda u diidanahay talada ah Xamse hadduu baxo ayey Somali heshiineysa. Oo Xamse oo jooga lama heshiin karo?”.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay talo muhiim ah, isaga oo yiri  “Laba qolo ayaa lala heshiiyaa: 1) qolo jabtay oo isi soo dhiibtay waa lala heshiiyaa, 2) qolo guuleysatay ayadana waxbaa lagu darsadaa oo waa lala heshiiyaa, 3) qolo saddexaad ma jirto”.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana madaxtooyada iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah oo xaalad ka abuuray Baarlamaanka.

The post Xasan Sheekh oo looga digay inuu beddalo R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this