Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka…

Recommended Posts

Deeq A.   
coat-of-army-Somalia-scaled.webp?fit=256

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay go’aanka ay Dowladda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-goboleedka IGAD.

Dowladdu waxay sheegtay inay arrintan u aragto tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dalalka gobolka, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta.

Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaantay inay si gaar ah u tixgelinayso adkeynta xiriirka heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqeynta caalamiga ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday ka-qaybgalkeedii buuxda ee Urur-Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD).

Soomaaliya waxay si gaar ah u tixgelinaysaa adkeynta iskaashiga heer gobol ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Suudaan, kaas oo tiir-dhexaad u ah xoojinta wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee caalamiga ah, isla markaana laf-dhabar u ah ilaalinta nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hormuudka ka ahayd Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Jabuuti, iyada oo hoos imanaysa hoggaanka xikmadda leh ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Shir-Madaxeedka IGAD ee xilka haya.

Dadaalladan ayaa door muuqda ka qaatay fududeynta dib-u-soo-laabashada guuleysatay ee Jamhuuriyadda Suudaan, taas oo ka tarjumaysa isku-duubnida goboleed iyo masuuliyadda wadajirka ah.

The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this